Dabqabsaday Barakacaaysha Garoowe iyo Maamulka Faroole oo aan Gacan ka Gaysan
Garoowe(MMedia) Saaka Saacadu markey ahayd 8:30-kii subaxnimo waxa uu dab lama filaan ah oo xoog badani qabsaday Barakacayaasha Kaamka Iskuraran ee Magaalada Gaowe ee caasimada Puntland oo ay ku nool yihiin dhawr boqol oo qoys, dabka oo xoog badnaa ayaa sababay dhaawaca dhowr qof oo barakacayaasha ah iyadoo ay inta badana bas beeleen guryihii cooshadaha iyo sandaqadaha ka samaysnaa ee ay Barakacayaashu ka daganaayeen. Dhaawaca labo nin mooyaane dhimasho nafeed oo dabku gaystey lama sheegin, labada nin ayaa naqasku ku xirmay kadib gurmadkoodii iyo dadaalkii ay islahaayeen ku badbaadiyaha dumarka iyo caruurta ku noolaa Iskuraran
Waxaa durba soo gurmaday shacabka oo bilaabay inay xakameeyaan dabka si uusan ugu fidin qaybaha Barakacayaasha ee uusan dabku gaarin iyo hantiada maguurtada ah ee dariska la ah Barakacayaasha. Waxay dadku isu qaybiyeen labo qaybood oo kala ah kuwo biyo dabka kula tacaala si uu u damo iyo kuwo furfur ku bilaaba cooshadaha iyo sandqadaha uusan gaarin, inkastoo ay dadku dadaal badan sameeyeen hadana dabka oo xoog badnaa waxa uu durba isku fidiyey Cooshadihii iyo sandaqadihii Barakacayaasha waxaana keenay dabaysha xagaaga oo aad u xoog badnayd. Uurada iyo Qiiqu waxay ahaayeen kuwo dadka Caasimada jooga oo dhami ay wada arkayeen waxaana uu qof walba soo gurmaday kadib markii uu arkay uurada iyo qiiqa cirka isku shareeray qof waliba oo hanta ma guurto ah ku ag lahaa Xaafada Iskuraran ee Barakacayaasha waa uu soo gurmaday.
Sidoo kale waxaa gurmadka soo galay shirkada Korontada ee NEC taasi oo keentey dabdamiskooda oo kaasi oo tuubo naqas iyo biyo isugu jira ku damiyey dabkii shacabku ay jirikaanada iyo baaldiyada ku hakiyen inuu fido. Ciidamada Booliska ayaa iyaguna dadaal sameeyey kuwaas oo ilaalinayay hantida Barakacayaasha iyo shacabka kale ee iyaguna hantidooda iyo aqaladooda kala baxay kadib markii ay arkeen in dabku ku fidayo. Ku dhawaad 10 fiilo ayaa ku sigtey inay gubtaan balse waxaa ka gaarey shacabka oo ku guulaystey in dabku uusan guryaha saraha ah u gudbin.
Dowladda hoose ee Garowe lama arkin gurmadkooda hayeeshee laguma halyn inay gurmad keenaan oo waxaa kaalintaas qaatey Shacabka Garowe iyo ciidanka Booliska oo aan ku kala harin, dowlada hoosana qof ka socda oo meesha tagay shacabku may sheegin gawaarida degmadana laguma arag intii dabka xoogani uu socday inkastoo waqti danbe ay yimaadeen saraakiil ka socota
Dadka dabku saameynta ku yeeshay Maantey waxa haysta dhawr dhibaato hoy la’aan, cunto la’aan, dhar la’aan iyo caawa oo ay sugayso dhaxanta gabadanada ah ee xilliga xagaaga ka dhacda Nugaasha taasi oo ah mid daran oo aysan caruuraha iyo dadka nuguli u adkaysan karin, Dadkani waxay u baahan yihiin cawimaad ay uga fadhiyaan shacabka Garowe, dowladda iyo hay’adaha caawiya dadka dhiban. inta badan dabka ka kaca magaalooyinka Puntlland waxa uu saameeyaa dadka barakacayaasha ah oo uu ka kaco meelaha ay dagan yihiin sababtuna waxay tahay dadkani waxaysan haysan meelo dugsi ah oo ay cunada ku karsadaan waxaana dabku kaca marka dabaysha xagaagu ay socoto.
Dhawr sano ka hor ayay ahayd markii dab uu qabsaday kaalin shidaal iyadoo khasaare badana uu gaarey kaalintii shidaalka iyo hanta maguurto ah oo ku dhaganayd kadib markii la waayay wax dabka lagu baqtiiyo waqtigaas. Waxaa shacabku islahaa waxay noqonaysaa cashar ay degmadu ka faa’idaysanayso oo ay dabdamis magaalada caasimada ah ugu samaynayso hayeeshee xasuustaasi degmada way ka baxday magaaladuna waxay khatar ugu jirtaa waqtiga xagaaga in dab kaco, caasimada dhan ee Puntland oo aan lahayn dabdamis dowladdu leedahay waa wax lala yaabo oo iswaydiinteedana leh. Dabkan manatey ka kacay Buushashka Iskuraran oo raacsan Toga Garowe kana danbeeya Baarlamaanka Puntland waxa uu gaysan karay khasaare badan hadaan shacabku soo gurman oo uusan ku halayn Degmada
raxareeb
