Baarlamaanka DFKMS oo Cod Aqlabiyada Ku Ansaxiyay Heshiiska Kampala
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhow cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Heshiiskii Kampala (Kampala Accord), kaasoo 9-kii Bishii June ay ku saxiixeen Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka, ee lagu soo afjaray khilaafkii u dhaxeeyay.
Kulankan oo ahaa mid degnaa Xildhibaanada ay ahaayeen kuwo si kulul uga doodayay Heshiiskii Kampala ayaa waxaa Gudoonka Baarlamaanka uu siiyay Makrafoonka si Xildhibaanada ay uga dhiibtaan fikirkooda.
Dooda Kulanka oo aheyd mid dheer oo saacado badan socday ayaa Xildhibaanada waxay aragtiyadooda ka dhiibanayaan sida ay ka qabaan, waxaana Kulanka maanta uu wax badan ka duwanaa kulankii shalay ee uu ku dhamaaday buuqa iyo fowadada.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo shir gudoominayay kulanka ayaa ugu dambeyn markii ay soo idlaatay dooda waxaa uu ku dhawaaqay in cod la geliyo, kadib markii Xildhibaanada ay soo aqristeen heshiiskaas markii shalay qoraalo loo qeybiyay.
Kulanka Baarlamaanka oo ay ka qeyb galeen 436-xildhibaan ayaa waxaa 393 ay u codeeyeen, in heshiiska ogolaadeen, haka 36- ay diideen, 7-ka mid ahna ay ka aamuseen, hase ahaatee waxaa fadhiga ka muuqatay in Xildhibaanada Baarlamaanka sidii shalay isugu mowqifka ka ahaayeen diiditaanka Heshiiska in wax badan iska bedeleen.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ugu dambeyn ku guuleystay inuu kala fur furo Xildhibaanada diidanaa heshiiska oo shalay ahaayeen kuwo aqlabiyad ballaaran heystay oo ay kaga soo horjeedeen.
Maakhir Media Muqdisho
