|

Tartanka U Dhexeeya Isgaarsiinta Somaliland oo Shacabku Ka Faa,iiday

Hargaysa(MMedia) Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee SOMTEL  ayaa dalka keentay adeeg Casri ah  oo sarre u qaadaya tayada adeegga hawlaha Aaladda Internetka kaasi oo wax badan kaga Duwan  dhinaca xawaaraha Adeegyadii hore looga  isticmaali jiray dalka Somaliland.

Xaflad balaadhan oo maanta lagu qabtay xarunta dhexe ee Shirkadda ee magaalada Hargeysa,  ayaa  saraakiisha Shirkaddu ku soo bandhigeen adeegga qalabka cusub oo magaciisa layidhaado FAST 3G SERVICE, sida ay sheegeen Saraakiisha Somtel qalabka FAST 3G SERVICE-ku waxa uu leeyahay xawaare ka dheereeya wixii horey dalka looga isticmaali jiray, waxa kale oo ay Shirkadda Somtel soo kordhiysay adeegga maqalka  iyo muuqaalka oo dadka wadahadlayaa u suuto galinaya inay iska daawadaan shaahadaha Telefoonada ay ku wadahadlayaan taasi oo aan hore dalka uga jirin.

Hadaba shirkadani waxay hoostagtaa Shirka da Wayn ee Xaawalada Dahabshiil waxaanay imika bilaabeen  adeega Mobilka waxaana tartan xaga suuqa ah kala dhexeeyaa Shiradaha kale ee ka jira wadanka Shirkada Somtel waxay dayactir ku samaysay Garoonka Kubada gacanta ee Hargaysa

Waxa iyadanu Bandhiga Carweed isgaariineed kusoo bandhigtay Beerta Xoriyada Hargaysa Shirkada Telesoma oo hoostagi jirtay Shirkadii Xaawalada ee Barakaat shirkadaas oo la xanibay dhaqaalaheedii 2001dii xiligaas oo lala xiriirinayay inay gacan saar la lee dahay Argagaxisada markii danbena waxba lagu waayay Shirkada Telesom ayaa xiligii dhaqaalaha laga xanibay Barakaat bedeshay Magacii waxaanay la baxday Telesom

Shirkadad Telesom ayaa qabatay Tartanka Horyaalka Kooxaha Heerka Koowaad ee Magaalada Hargaysa waxaanay ku bixiyeen Dhaqaale aad u badan si ay usoo jiitaan Dhalinyarada Kubada Ciyaara oo ah kuwo aad u isticmaal adeega Mobilka.

 Tartanka shirkadahan waxa kaa faaiiday shacabka iyo Garoomada Ciyaaraha oo ay maalgelinayaan Shirkadahaasi waxaanay bandhigyo kusoo kala dhigeen Beerta Xoriyada Hargaysa iyo Garoonka Kubada Gacanta ee Timada Cade waxaanay labadan shirkadood dib u dhis ku sameeyeen Garoomada Kubada Cagta Hargaysa iyo Ka Gacanta waxaanay ku xardheen Astaamahooda Garoomadaas waxaanay qabteen tartan ay maalgelinayaan

Shirkadahan ayaa loolan xaga suuqa ah ku jira inkastooi midba kan kale doonayo inuu suuqa uga gacan sareeyo  iyagoo dadka u soo bandhigaya adeegyo casri iyo qiimo jabnaan waxaanay dhawaan ku balanqaadeen inay adeegooda u wareejin doonaan P/land iyo Koonfurta Soomaaliya si ay uga haleen suuq.

Dhawaaan ayay ahady markii Telesom iyo Dahabshiil la wada siiyay inay maalgashadaan Warshada Sibidh oo la hirgelinayo Magaalaa Xeebeedka  Berbera waxaase markii danbe ka baxay hashiiskaas wadaaga ahaa shirkada Telesom.

Loolankan u dhexeeya Shirkadaha isgaarsiinta ayaa keeni kara inuu gaaro ilaa heer siyaasadeed iyo mid Beeleedba sidii horeba ay Baaqyo kala gedisan looga soo saaray Shircigii Dhawaan uu saxeexay Madaxweyne Siilaanyo eek u saabsanaa Isgaarsiinta kaas oo xeer loogu samaynayay Isgaariinta

Maakhir Media Hargaysa

Comments are closed