|

Wafti Reer Italy ah oo Muqdisho Soo Gaaray

Muqdisho(MMedia) Wafdi ka socda Talyaaniga oo soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxa ay kulamo looga hadlayo arimaha Soomaaliya la qaadanayaan Madaxda sare ee dowladda KMG Soomaaliya.  

Sida ilo lagu kalsoonyahay ay u sheegeen MMedia wafdi uu hogaaminayo Wasiiru dowlaha Wasaaradda arimiha dibadda ee dalka Talyaaniga ayaa saaka soo gaaray magaalada Muqdisho kuwaasi oo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ay kusoo dhaweeyeen Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya.

Wafdiga oo uu hogaaminayo Wasiiru dowlaha arimaha dibada ee dalka Talyaaniga ayaa wararka waxa ay sheegayaan in kulamo ay la leeyihiin Madaxda Dowladd sar sare ee dowladda oo la sheegay inay ka wada hadlayaan arimaha Soomaaliya inkastoo aan la ogayn waxyaabaha ay diirada saarayaan.

Maakhir Media Muqdisho

Comments are closed