Xildhibaano Ku Tilmaamay Heshiiskii Kampala Waxba Kama Jiraan
Muqdisho(MMedia) Xildhibaano ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya ayaa sheegay inaysan marna ansixin doonin heshiiskii Magaalada Kampala ay ku gaareen Madaxda dowladda, iyagoo dhinaca kale wax aan xalaal ahayn ku tilmaamay heshiiskaasi.
Maakhir Media Mudisho
Kadib markii maanta uu buuq iyo sawaxan ku dhamaaday kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen Xildhibaanada barlamaanka Soomaaliya oo looga doodayay heshiiskii magaalada Kampala ay ku gaareen Madaxeynaha dowladda iyo Gudoomiyaha barlamanka ayaa Xildhibaano ka tirsan barlamanka waxa ay wax aan xalaal ahayn ku tilmaameen heshiiskaasi.
Xildhibaan Cabdi Abshir Dhoore oo saxaafadda kula hadlay afaafka hore ee Xarunta Golaha Shacabka ayaa waxaa uu sheegay in heshiiskii Kampala ay ku jiraan qodobo ka hor imaanaya Axdiga dowladda KMG Soomaaliya, isgoo tilmaamay in aysan ahayn Madaxda dowladda in barlamaanka ay horkeenaan waxyaabo sharci dara ah, waxaana uu ugu baaqay Mudanayaasha in sharaftooda ay ilaashadaan.
Sidoo kale Xildhibaan Daahir C/qaadir Muuse Ciiro oo ka mid ah Xildhibaanada barlamanka ayaa waxa uu sheegay in barlamanka uusan ka soconayn waxyaabo uu ku tilmaamay sharci daro, waxaana uu uu hoosta ka xariiqay in ayasan jirin cid cadaadis ku saari karta Xildhibaanada ansixinta heshiiskii magaalada Kampala ee Caasimadda dalka Uganda.
Xildhibaanada barlamanka ayaa waxa ay intooda badan kasoo horjeedaan heshiiskii magaalada Kampala ay ku gaareen Madaxda sare ee dowladda kaasi oo la rumaysan in qodob ka mid ah uu dhaqan galay kaasi oo dhigay in uu xilka isaga dago Ra’iisul wasaarihii is casilay ee Max’ed C/laahi Max’ed Farmaajo
