Siyaasada Xumida Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Xagay ku Dabayn Doontaa
Badhan(MMedia) Waxa maalmahan hadal haynteedu badatay in Somaliland usoo ruqaansatay dhinaca Gobolka Sanaag gaar ahaan Magaalada Shinbiraale warkaas oo laga soo xigtay Gudoomiyaha P/land ugu Magacaaban Gobolka Sanaag Mr Dabayl isagoo wararka siinayay Idaacad laga lee yahay Magaalda Boosaaso ee Horseedmedia inkastoo Gudoomiyuh warkiisa aanu ku ladhin inuu booqan doono meelaha ay Somaliland soo degtay .si aad warkaas u akhrisato Guji Halkan
Waxa kale oo isaguna u goodiyay Somaliland Wasiirka Warfaafinta P/land Mr Axmed Cali Askar isagoo u shegay inay joojiyaan daan daansiga ay ka wadaan deegaanda P/land waa sida uu hadalak u dhigaye waxa kale oo uu shaaciyay inay la xidhiidheen Dowlada Britain iyagoo uga digay inay kusoo xadgudbaan xuduudaha ay ka taliso P/land waana kan warkuu uu siiyay idaacda horseedmedia oo mudooyinkan buun buuninaysay Wararka Sanaag
Hadaba waxa iswaydiintu tahay maxay tahay qayla dhaantan cusub ee ay wadaan Gudoomiyaha Gobolka iyo Wasiirka Warfaafintu eek u aadan faragelinta Somaliland. hadii ay jirto wararkaas ay Idaacada siinayaan waxa la gudboon inay qaadan talaabada ku haboon ee ay kaga hortegi karaan faragelinta ay shegayaan mise Xaalkoodu waa na maqlaay
Waxa kale oo dadka qaar iswaydiinayaan sababta uu Gudoomiyuhu u sheegtay in ay rasaas ku fureen markab dagaal oo laga lee yahay Dalka Britain iyadoo hore u faafiyeen Somaliland iyo P/land inay deegaanadaas ay ku sugan yihiin waxay ugu yeereen Argagaxiso taas oo ka dhigi karta inay jiraan waxay Maamuladu hore u faafiyeen.
Gudoomiyaha ayaan lahayn khibrad xaga siyaasada ah ama aan la jaanqaadi karinsiyaasada caalamka ee is bed bedalaysa waxaana looga baahnaa inuu la kulmo Ciidamda Bada Ingiriiska haday jirto inay doonayeen inay kusoo xirtaan Marsada Laasqoray ka dib ay dhiibtaan waxay tahay siyaasadooda una sheegaan in deegaanku nabdoon yahay Maamulka P/land ka tirsan yihiin waxaase aan meesha qaban in rasaas lala beegsado ciidamo kaa awood badan waxay doonaana kugu shaabadayn kara.
Hadiise awood ay ku xabadaynayaan Markab Britain laga lee yahay maxay wax uga qaban waayeen Ciidamda Somaliland ee fadhiisinka ka dhigtay Shinbiraale iyagoo muujinaya awoodooda Melateri waxayse u muuqataa inuu is khilaafayo hadalada ay SAxaafda marinayaan Masuuliyiinta Gobolku waxanay keenaysaa Rasaasta lagu riday Markabka ugaadhsiga ugu jiray Budhcad badeeda inay keeni karto khatar ah in deegaanak ay xoog ku leeyihiin dadka si aadka ah looga ugaarsado caalamak ee argagaxisada.
Isku soo wada duub Gudoomiyaha ayaan soo bandhigin cadaymo la taaban karo marka laga tago inuu Saxaafda siinayo warar is burinaya waxaana looga baahan yahay inuu ka fiirsado hadalada kusoo noqonaya ee is burinaya ama deegaanka ku keeni kara caaqib xuman aan laga soo kaban.
Maakhir Media Laasqoray
