Amiirka Alshabaab oo Ka Sanqariyay In Lagu Dhexjiro
Muqdisho(MMedia) Amiirka Shabaabka oo ka hadlayay idaacada xarakada taageerta ayaa markii ugu horeysey qirey in ay jiraan dad uu ku tilmaamay jawaasiis ku dhexjira hogaanka Shabaabka oo uu sheegey in loo baahanyahay in laga sifeeyo.
Waxa uu sheegey in jawaasiistaasi oo u shaqeeya cadawga Shabaabka ay isfaham daro iyo khalalaase ka dhex abuurayaan maamulka xarakada.
Waloow uusan sheegin wax xiriir ah oo ka dhaxeeya xiriirka jawaasiistani iyo dilalkii madaxda Shabaabka loo geystey gaar ahaan Saalax Nabhaan, ayuu hadane Axmed Cabdi Godane soo hadal qaaday rag laga diley sanadihii dhawaa.
Waxa uu sheegey in xarakada aysan sidii hore oo kale ahayn, islamarkaasina ay lumiyey dhul badan, lagana itaal roonaaday dagaalo ay galeen.
Waa markii ugu horeysey oo uu Godane ka hadlo arrimaha Shabaabka dhexdooda ah oo haatan soo shaac baxaya.
Dhawaan markii la diley Feyzul Cabdalla waxaa soo shaacbaxday in si ula kac ah loo marin habaabiyey oo afka loo galiyey meel la ogyahay in ay joogaan ciidamada dowladda. Waxaa la sheegey in ay jiraan dad Maraykanka iyo reer Galbeedka la shaqeeya oo Shabaabka ku dhexjira, kuwaasoo kaliya aanan hagardaamo ku heeynin Shabaabka balse sidoo kale gaboodfalo u geysta Shacabka iyagoo matalaya in ay Alshabaab sax ah yihiin.
Axmed Godane waxa uu khilaaf kala dhaxeeyaa madaxda kale ee Alshabaab oo ka doonaya in uu wajigiisa dadka tuso islamarkaasina la yimaado hogaan ka duwan kan uu hadda muujiyey.
Maakhir Media Muqdisho
