Golaha Wasiirrada Somaliland oo Ansixiyay xeerka ilaalinta hilibka
Hargaysa(MMedia) Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland oo uu gudoominayay Madaxweyne Ku Xigeenka ahna Ku simaha Madaxweynaha Md.C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa lagu ansixiyay xeerka baadhista iyo ilaalinta hilibka.
sidaasi waxa lagu sheegay war saxaafadeed kooban oo ka soo baxay xarunta Madaxtooyada, waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan:-
“Waxa maanta Shirkii Golaha Wasiirada oo uu guddoominaayey Madaxweyne Ku-xigeenka JSL, Mudane, C/raxmaan C/laahi Ismaciil (Saylici), ahna Ku-simaha Madaxweynaha JSL, shirka maanta ee golaha oo ahaa kii 42aad ee Golaha Wasiiradu isugu yimaadaan ayaa Golaha Wasiiradu waxa uu dood iyo falanqayn dheer ka dib anxisiyey Xeerka Baadhista iyo Illaalinta Hilibka,
xeerkaas oo loo gudbin doonno Golaha Baarlamaanka si ay waajibaadkoodda sharci uga-gutaan.
Qodabadda kale ee maanta Golaha Wasiirada la keenay ayaa doodooda iyo aaraartoodu sii socon doontaa Shirkan shirka xigga ee Golaha Wasiirada SL
Maakhir Media Hargaysa
