R/wasaaraha Soomaaliya oo Kenya Socdaal Ku Tegay
Muqdisho(MMedia) R/wasaaraha Xukuumadda FKMG ah Dr. C/wali Maxamed Cali iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay dalka Kenya, ayagoo ku sii jeeda magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Sarkaal ka tirsan Xafiiska R/wasaaraha ayaa Radio Muqdisho u sheegay in R/wasaaruhu uu Nairobi kula kulmi doono masuuliyiin ka tirsan Qaramada Midobay iyo Safaarada Caalamka.
Diyaaraddii sidday R/wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa ka duushay garonka diyaaradaha Aada Cabdulle ee magaalada Muqdisho.
R/wasaaraha ayaa dhinacyadaan kala hadli doono xaaladda dalka Soomaaliya iyo abaaraha ka jira waddanka sida ay calamku gacan uga geysan karaan, ayadoo sidoo kale R/waasaaruhu uu kulamo wada tashi ah la qaadan doono masuuliyiinta dowladaha gobolka
Maakhir Media Muqdisho
