|

Booliska Kenya oo weli Qaxoontiga soomaaliyeed Xeryaha Ka Ugaarsanaya

Dhagaxley(MMedia) Ciidamada dowladda Kenya ayaa waxa ay xir xireen qaar ka mid ah Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ee ku sugan Xerada Dhagaxleey ee dalkaasi.  

Wararka Idaacadda Shabelle ay ka heleyso Xerada Dhagaxleey oo ku taala dalka Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in habeeninadii xalay ciidamada amaanka ee dalkaasi ay xir xireen Culumaa’udiin aad looga yaaqano Xerada dhagaxleey ee dalka Kenya halkaasi oo ay ku nool yihiin dad badan oo Qaxooti Soomaali ah oo ka carararay colaada ka jirta Somaaliya. 

Wararka waxa ay tilmaamayaan in Culumadaani oo tiradooda ay gaareyso 6-ruux ka hor inta aan la xir xirin loogu yeeray shir lagu waday in uu ka dhaco Xerada Dhadhaab ee dalkaasi oo la doonayay in looga  arinsano colaad dhawaan dhex martay ciidamada booliska Kenya iyo dad Soomaali ah. 

Intaasi kadib ayaa waxaa Culumadii loo taxaabay xabsi ku yaala Kenya,  iyaga oo aan la weydiin wax su’aala ah, waxaana Culumada gacanta lagu dhigay ay ku eedeeysay dowladda wadankaasi inay ka danbeeyeen dagaalkii Xerada Dhagaxleey ku dhexmaray ciidamada Kenya iyo qaxootiga Soomaalida ee ku jira Xeradaasi. 

Idaacadda Shabelle ayaa waxaa usuura gashay inay hesho magacyada qaar ka mid ah Culumada gacanta lagu dhigay, waxaana ka mid ah- Shariif Cusmaan Ibraahim, Sheekh Axmed Sheekh Xasan iyo Sheekh Aadan iyo kuwa kale oo aan magacyadooda la xusin sida uu u sheegay Idaacadda Shabelle mid ka mid ah Culumada ku nool Xerada Dhagaxleey ee wadanka Kenya. 

Xariga Culumadani ayaa waxa uu ka danbeeyay kadib markii dhawaan Xerada Dhagaxleey dagaal  uu ku dhexmaray ciidamada booliska Kenya iyo qaxootiga Soomaalida ee Xeradaasi kaasi oo salka ku hayay bur burin ciidamada dalkaasi ay ugaysteen goobo ganacsi iyo Masjidyo halkaasi ku yaala.

Maakhir Media Kenya

Comments are closed