Maamul Goboleedka P/land Ma Marti Qaadi Karaa Shirka soomaaliya(Faalo)
Faalo(MMedia) Saadaasha xiliga kala guurka DFKMS ee sanadka danbe ayaa ah mid aan la ogayn halka uu ku qabsoomayo shirku kaas oo lagu dooranayo Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka madaama aan laysku raacsanayn goobta uu ka dhici lahaa sababo xaga amaanka awgii hadii logu tala galo inuu ka qabsoomo Soomaaliya gudaheeda waana arin xasaasiya in laysku afgarto meeshii lagu qaban lahaa
Hadaba waxa maalmahan dhaawaaq dheer meel kasta raba inuugaadhsiiyo d Madaxweyne Faroole isagoo u gacan haatinaya qabashada Shirkaasi isagoo cuskanaya inay P/land tahay goob ku haboon qabashada shirka amaankeedana laysku halayn karo.
Waxa marag ma doonto ah in amaanka P/land uu ahaa mid laysku halayn karo wakhtiyada qaar shirarka Soomaaliya iyo mid caalamiyana lagu qaban karayay laakiin hada maaha mid buuxin kara shuruudaha looga baahan yahay in lagu qabto shir sababo xaga amaanka ah awgeed taasna waxa u sabab ah dhow arimood oo kala ah sida
- Dilal qorshaysan oo ka jira Gobolada P/land ilaa hadana badankooda cidna loo qaban
- Qaraxyo is daba jooga maarana loo la, yahay
- Dagaalo sokeeyo oo kazoo cusboonaaday Gobolada qaar sida Bari oo kala ah Galgala Iyo Ufayn Gobolka Mudug Gaar ahaan kii ugu danbeeyay ka dhacay Gaalkacyo dhawaan
- Jajab ku yimi Beelihii samaytay P/land oo badankoodii kalsoonidii kala noqday xukuumada Faroole Maamul Goboleedyona ku dhawaaqay
- Habacsanaan ka muuqata Ciidamda Amaanka sida Booliska iyo kuwa Daraawiishta
- Ciidamda PIS oo aan la ogayn cida ay ka amar qaataan ama hoostagaan Amaanka Maamulkana Khatar ku haya
- Ciidamada ka amar qaata Sh.Atam oo halistooda leh
- Muran ka taagan xuduud beenaadka u dhaxeeya Somaliland iyo P/land oo aan dhamaan. Iyo Ciidamada Somaliland oo kulaalaya meel aan sidaa uga fogayn Magaalada Tukaraq oo ah meesha laga ilaaliya Caasimada Garoowe shirkana Carqaladayn kara
Dhamaan qodobadaasi waa kuwa jira una baahan in wax laga qabto inkastoo Maamulka Faroole gadhwadeenka ka yahay ku guul daraystay inuu xataa bad baadiyo dhiiga Isimada,Aqoonyahanka iyo Saraakiisha u dhalatay P/land oo dhamaantood lagu dilay dilal qorshaysan may ahayn inuu isku qaado inuu ilaa dhowr kun oo soomaliya goob isugu keeno oo uu yiraahdo waxaan damaanad qaadaya amaankooda waana mid u baahan ka fiirsashadeeda
Waxa kale oo jira in shacabka P/land ay yaraatay hamigii ay u hayeen Maamulkii la dhidbay 13sano ka hor oo muuqda inuu meesha kasii baxayo loona soo shaqo tagay halkii looga shaqayn lahaa. Waxa kale oo dadka aad uga sii niyad xumaadeen iyagoo hadii ay is yiraahdaan tilmaama melaha qaloocu ku jiro xadhig iyo Afxumo kala kulmaya Shaqaalaha Faroole waxaanay noqotay Maahmaahdii ay ahayd hadaanu hadalona waa af salax ku dheg hadaan aamusnano adhiga sidaa laga dayn mayo.Dhamaan Shacabka P/land waxay ku jiraa Hadaan Balaayooy Bulkayga kaagelin Bisinka xijaab u o dhan
Hadabase Waxa la qumanayd Maamulka Faroole inaanuu u hanqaltaagin waxa koonfur ka higle oo aad moodid in awoodeedii u gacan gashay dowlado shisheeye Soomaalidana aanay faraha wax ugu jirin inta joogtana ay tahay shaqaale hadba wixii loo xilsaarto qabanaysa. Taa badaelkeeda waxa la gudboon inuu xooga saaro sidii uu isugu soo celin lahaa Bulshada reer P/land ee sii kala Irdhoobaysa soona celiyo kasoonidii ay shacabka ku qabeen Maamulka.
Waxaase loo arkayaa hadii aad isku daydo inaad martiqaad u fidiso shirka Soomaaliya inay tahay jar iska xoornimo. Waxaanay u eg tahay nin ay ku filaan wayday cashuurtii Masaakiin P/land oo kiish u tolanaya inuu dhaqaale ka helo Shirka Soomaaliya.
Maakhir Media Network
