|

Gurmadkii Barakacayaasha oo aan Loo Kala Hadhin(Warbixin)+Sawiro

Muqdisho(MMedia) Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa maanta lacag dhan 100 milyan oo Sh. So ah gaarsiiyay dad soo barakacay oo ku sugan xeryaha magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Axmed C/llaahi Fanax oo ka mid ahaa xildhibaanadii deeqda gaarisiiyay dadkan ayaa sheegay in deeqdaan ay iska soo uruuriyeen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, wuxuuna tilmaamay in ay sii wadi doonaan dadaalkaan lagu caawinayo dadka ay abaartu saameysay.

Sheekh Fanax ayaa sheegay in tallaabada ay labaad ee ay qaadayaan ay noqon doonto in raashin bisil la siiyo dadka si joogto ah, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan badbaadinta dadka

Jaamacadaha

Jaamacadda Simad ayaa maanta deeq raashin ah gaarsiisay dadka barakacayaasha ah ee ku sugan dhismihii hore ee Dahablaha ee degmada Xamarweyne.

C/qaadir Cumar oo ka mid ah maamulka Jaamacadda ayaa sheegay in ardayda iyo macallimiintu ay iska soo uruuriyeen deeqdaan oo la siiyay qoysas badan oo ku sugan meel bannaan oo ka tirsan Xamarweyne.

Wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay ka maarmi karaan caawinaad dibadda ah haddii ay u istaagaan sidii ay ayagu isu caawin lahaayeen, wuxuuna ganacsatada Soomaaliyeed iyo dadka wax heysta ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan taakuleynta dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.

Ardayda wax ka barata magaalada, Shaqaalaha dowladda, bulsahda magaalada, ganacsatada iyo dowladda FKMG ah ayaa u istaagay sidii loo badbaadin lahaa dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu ay saameeyeen, kuwaas oo maalin kasta ayagoo aan heysan waxna soo gelaya magaalada Muqdisho

Hayadaha

Hay’adda IICO ayaa maanta deeq  gaarsiisay dadka barakacayaasha ah ee ku sugan degmooyinka Hodon iyo Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Deedaan oo isugu  jirtay Bur, Bariis, Timir iyo Saliid ayaa loo qeybiyay qoysas barakacayaal ah oo ku jira Xero ku taalla xaafadda Taleex ee degmada Hodon iyo qeybo ka mid ah degmada Waaberi.

Ku simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir Cali Axmed Guure oo ka qeyb galay deeq qeybinta ayaa u mahad celiyay hay’addaan, wuxuuna sheegay in xaalad adag ay ku jiraan, taas oo sababeysa in dad badan ay u dhintaan macluul.

Wuxuu sheegay in dowladda dhexe iyo maamulka gobolka Banaadir ay waajib ku tahay in ay caawiyaan dadkaan ka soo barakacay cunaqabateynta ay Shabaab ku hayaan iyo abaaraha ka dhacay waddanka.

Idaacadaha

Banaamijka Gurmadka Abaaraha ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle ee maanta sida tooska uga baxayay Idaacadda iyo Tv-ga Shabelle ayaa lasoo gaba gabeeyay kaasi oo dadka ay uga qeyb qaadanayeen qadadka taleefanka waxaana barnaamijkani lagu wadaa in uu dib u bilowdo maalinta bari ah saacada geeska Afrika marka ay tahay 9:00-ka subaxnimo.

Barnaamijkaani ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya ilaa 3-xubnood oo uu guddiga ka koobanyahay, waxaana u jeedka barnaamijkaani uu yahay sidii Umadda Soomaaliyeed kuwooda wax haysta ay u gar-gaari lahaayeen dadka ay abaartu saamaysay ee ku dhibaataysan Soomaaliya.

Dadka doonaya inay ka qeyb qaataan Barnaamijka Gurmadka Abaaraha Shabelle ee sida tooska ah uga baxaya waxaa ay kala soo xiriir karaan Teleefoonada Lambaradoodu ay kala yihiin (002526252007) iyo (002526851594), waxaana sidoo kale dadka doonaya inay lacago ku tabarucaan dadka abaaraysan ee walaalahooda ah ay ku shubi karaan lacagahaasi Akoonka Bandhiga Dahabshiil ee Lambarkiisu yahay  ACC – (8470). 

Ugar-gaar dadka dhibaataysan si Alle uu kugu gar-gaaro

Maakhir Media Xafiiska Muqdisho

Comments are closed