|

Sh.Shariif Maxaa Ka Hortaagan P/land Inuu Yimaado” W/A/G Gen: Ilka Jiir

Garoowe(MMedia) Wasiirka Wasarada Armaha Gudaha Dawladaha Hoose Ee Puntland C/llahi Axmed Jaamac Oo maanta ka Hadlayay kulan Balaadhan oo ka dhacay Magalada Garowe Ujeedadiisana Ahayd Sidii Loogu Diyaargaroobi Lahaa Hadii Puntland Loo doorto In ay marti galiso Shirka Dib U Heshiisinta Somalia ayaa Halkaasi Hadal Dheer ka Jeediyay.

Wasiirka ayaa Ka Hadlay madaxda Somalida ee Haatan oo Sheegay in Dhamaantood Yimaaden Puntland,Arkeena Nabada iyo Horumarka ka jira Marka Laga reebo Madaxweynaha Dkmg Somalia.

“Waxaan Leeyahay Madaxweynaha DFKM Waxaad Ogaata in Puntland Ka mid Tahay Somalia, Madaxdada Kale ee Hatan Ku Sugan Muqdisho Dhamaantood Waa yimaaden Puntland Waana la soo Dhaweyay  Si Niyad San, Gudoomiyaha Barlamanka, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Raisal Wasaraha Hada La Magacabay Oo Dhawaan Halkan Joogay Waxaa Isweydiin Mudan maxaa Ka Hortaagan madaxweynaha in uu Puntland Yimaad, Waa Su’aal Taagan” Ayuu Hadalkiisa ku Yiri Mudane Ilko Jiir.

Dhinaca kale Wasiirka ayaa waxaa uu La Hadlay Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Nugaal iyo Guud Ahaan Shacabka Puntland oo Sheegay in ay U Diyaargarobaan Hadii loo Doorto Puntland Marti galinta shirka Dib U heshiisinta Somalida ee Ay Wado QM.

Isagoona Si Gaar ah ula Hadlay shacabka ku dhaqan Caasimada Puntland ee Magalada Garwo Oo Ku booriyay Adkeynta Amniga iyo La shaqeynta Laamaha amaanka Hadii Puntland Shirkaasi Loo Doorto In Lagu Qabto Shirka Dib U Heshiisinta Somalida.

Ugu danbeytiina Waxaa dhawaanahan booqanayay Qaybaha kala duwan Ee Somalia wafdi balaaran oo ka Socda Qaramada Midobay Xafiiska siyaasada Kuwaasi oo Kuurgalayay Meesha ugu Haboon ee lagu Qaban Karo Shirka Dib U heshiisinta Somalida

Maakhir Media Xafiiska Garoowe

Comments are closed