Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland oo Faahfaahin Ka Bixiyay Sababihii Ay ku Joojiyeen Djbauti Airline
Hargaysa(MMedia) Wasiirka Duulista Hawada iyo gaadiidka cirka Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sababeeyay tallaabadii ay duulimaadyadii kaga mamnuuceen diyaarada Air Jabuuti oo uu tilmaamay in qaboojiyeyaashu ka xumaadeen oo ay dhibaato ku haysay rakaabka.
Wasiirku waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa waxaanu ka waramay waajibaadkooda shaqo, waxaanu yidhi “Waxaan maanta halkan doonayaa in aan warbaahinta iyo shacabka reer Somaliland arrimo muhiima uga iftiimiyo, sida aynu ognahay wasaaraddani waxay qaranka uga mas’uul tahay madaaradda, gaadiidka cirka duulimaadyada diyaaradaha. Waxaas oo dhan nabadgelyadooda iyadaa qaranka uga mas’uul ah.”
“Wasaaraddani waxay bixisa fasaxa ama “Permission-ka” fursadaha lagu duullo ee hawada Somaliland oo wadamo kale loogu duulo iyada oo u igman xilka qaranka ay u haysana waxa weeye in ay dadka ka hubiso badbaadada diyaaradaha, Iyadana ka mas’uula dadka iyo diyaaradaba ammaankooda habsami-socodkooda nabadgelyadooda intaaba annagga ayaa ka mas’uul ah,”ayuu yidhi Wasiirku waxaanu intaasi ku daray “Waxa dhacda markii aanu eegnay waxa jira in qofka rakaabka ahi uu diyaaradaha sugo illaa lix saacadood oo uu garoonka ku jacdado, taasina runtii xaq ma’aha annagana dhibaato ayey nagu haysaa, waana waxyaabaha aanu doonayno in aanu saxno oo dardargalino sii bulshadu u hesho adeeg hufan oo ah kii sharcigu dhigaayay.”
Md. Maxamuud Xaashi waxa uu dhaliilo u soo jeediyay shirkada diyaaradaha ee Air Jabuuti waxaanu tilmaamay inay ka timid cabashooyin adeeg xumo waxaanu yidhi “Diyaaradan Air Jabuuti waa diyaarad haysata ruqsadii Wasaaradda, waa diyaarad aanu duulimaadeeda soo dhaweynayno oo xidhiidh dhow aanu leenahay balse waxaa dhacday in tabashooyin badan nagaga yimaadeen oo ay ka mid tahay oxygen la’aan qaboojiyeyaasha A/C-ga oo aan shaqeyneyn. saacadaha duulimaadkooda oo raaga si arrintaasi aanu u hubino, waxaanu raacinay Engineer ka tirsan Wasaaradda si ay noogu soo xaqiijiyaan arrintaasi, iyagoo duulimaadyo la raacay si ay wax uga ogaadaan una suugan bal arrimahaasi inay jiraan .”
Wasiirka duulistu wuxuu sababeeyay sababta ay duulimaadyadii uga joojiyeen diyaaradaasi waxaanu yidhi “Daraasad baanu samaynay waxaanan go’aansanay in diyaaradaasi aanu ka mamnuucnay duulimaadyadii Hargeysa iyo Jabuuti, waanu ganaaxnay diyaaradda iyo shaqaalaheediiba, balse ruqsadii kalamaanu noqon ee waxaanu nidhi soo bedela.Arrintan ruqsadeedii wax saameyn ah kuma yeelanayso laakiin shirkada Jabuuti Airline waxaan ku amraynaa in ay soo badalaan diyaradan muddo saddex todobaad ah.”
Wasiirku waxa uu tilmaamay in duulimaadkii ugu dambeeyay ee ay ku timid madaarka Hargeysa oo uu goob joog ka ahaa ay laba hablood oo rakaabkii ka mid ahaa neef qabatoobeen
Maakhir Media Xafiiska Hargaysa
