|

Xildhibaano uga digay Hay’adaha inay tagaan goobaha Shabaab

Muqdisho(MMedia) Xildhibaano ka tirsan barlamaanka KMG Somaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay uga digeen hey’adaha gar-gaarka in ay tagaan gobolada ay maamulaan Al Shabaab.

Kadib kulan balaaran oo maanta ay magaalada Muqdisho ku qaateen Xildhibaano ka tirsan barlamaanka KMG oo tiradooda ay gaareysay 80-Xildhibaan ayaa waxa ay ugu horeyn kulankooda diirada ku saareen xaaladaha bini’aadanimo ee xiligani ka jira dalka Soomaaliya gaar ahaan abaaraha saameeyay dadka. 

Kulanka Xildhibaanada ay wada qaateen ayaa waxa ay ku sheegeen in Hey’adaha samafalka ay uga digayaan in ay ka fiirsadaan hadalkii dhawaan kasoo yeeray saraakiisha Xarakada Al Shabaab kaasi oo ahaa in Hey’adaha ay u fasxanyihiin in ay ugar gaaraan dadka ku dhibaateysan gobolada ay gacanta ku hayaan ee Soomaaliya. 

Kulanka markii uu soo gaba gaboobay ayaa waxaa Idaacada Shabelle wareysi gaar ah siiyay Xildhibaan Maxa’uud Geedi  Ow Hilowle oo ugu baaqay hey’adaha samafalka in aysan ku dag dagin deegaanada Shabaab inta Al Shabaab ay wax ka badalayaan mowqifkoodii hore. 

Sidoo kale Max’ed Xuseen Ilka dahab oo ka mid ahaa Xildhibaanadii kulanka ka qeyb galay ayaa waxa uu ka dayriyay xaalada ay ku noolyihiin dadka ay abaartu heysato waxaana uu ku baaqay in la gar-gaaro dadka abaareysan si ay dhibaatada uga baxaan. 

Dhawaan ayey aheyd markii Afhayeenka Xarakada Al Shabaab oo la hadalay Warbaahinta uu sheegay dadka Muslimka ah iyo kuwa aan aheyn ay u  gar gaari karaan dadka gaajada iyo haraadka ugu geeriyoonaya deegaanada ay gacanta ku hayaan

Maakhir Media Xafiiska Muqdisho

Comments are closed