MAdaxweyne Faroole oo Gobolka Cayn Maamul Cusub u Sameeyay
Garoowe(MMedia) Wareegto Maanta Oo Khamiis ah ka soo Baxaday Xafiisaka Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxmed Maxmuud Ayaa lagu magacabay Maamulka Gobolka Cayn iyo Duqa Degmada Buuhoodle.
Wareegtada ayaa lagu Magacaabay Masuuliyiintan ayaa Ku Nambarkeedu Ahaa 32 ayaa waxaa Xilalka Loogu Magacabay gudoomiyaha gobolka Cayn Axmed Aadan Carab oo horay wasiir kuxigeenka arimaha gudaha iyo dowladaha hoose kasoo noqday xukuumadii Gen.Cade Muuse halka duqa magaalada Buuhoodle loo magacaabay Cumar Xaaji Cabdi
Isabadalka lagu Sameyay maamulka Gobolka Cayn Ayuu madaxweynaha Kala Tashaday Wasiirka arimaha Gudaha Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga Puntland Gen C/llahi Axmed Jaamac ( ilko Jiir) iyadoona ay Xiligan u Muuqatay in Loo Bahan Yahay Isbedel Dhab ah oo Ka muuqada Gobolkaasi.
Axmed Aadan Carab oo Horay Wasiir uga soo Noqday Dawalda Hore ee Puntland Madaxweynaha Ka Aha Maxmuud Muuse Xirsi ayaa sheega Magacabistiisa in ay Noqon doonto Mid uu Waxbadan kaga Qabto Gobolka Cayn Gaar ahaan Arimaha Horumarinta Gobolka Si Ka Shaqeyn Amniga Guud ee Gobolka Cayn
Maakhir Media Xafiiska Garoowe
