|

Madaxweynaha Somaliland oo Socdaal Ku Tegay Dalka Cusub ee South Sudan

Hargaysa(MMedia) Madaxwaynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wafti Balaadhan oo uu Hogaaminayo ayaa Saaka u Anba Baxay ka qayb galka Xaflada Wanqalka Koonfurta Sudan halkaasi oo ay ka heleen Marti Qaad Rasmi ah.

Waftiga Madaxwaynuhu hogaaminayo ayaa ka dhoofay Madaarka Berbera Waxaana la filayaa in Maanta Waftiga Qado sharaf loogu Sameeyo Markab ay leeyihiin Ciidamada Ingiriiska oo ku soo xidhay Dekadda Berbera halkaasi oo sida uu ku Soo waramayo Wariyaha Gabiley News ee Magaalada Berbera la diyaariyay Casuumadaasi.
Waxaana Madaxwaynaha Weftigiisa ku wehelinayay Wasiirka Madaxtootaya Iyo Wasiirka arimaha Debada
Waxa kale oo uu Warku intaasi ku Darayaa in Saaka ay berbera ku suganyihiin Wasiirka Arimaha Dibada iyo Saraakiil sarsare oo ka Tirsan Ciidamada Somaliland kuwaasi oo sii diyaarinayay soo dhawaynta madaxwaynaha, Waxa kale oo uu Warku intaa ku darayaa in Ciidamada Maraykanka ee Casuumada u Fidiyay Madaxwaynuhu ay Doonayaa in ay Tabar siiyaan Ciidamada illaalada Xeebaha Somaliland.

Waftiga oo Goor dhawayd ka baxay hargeisa ayaa la filayaa in ay Galabta ka duulaan Madaarka Berbera.

Maakhir Media Hargaysa 

Comments are closed