Mu,tamarkii Minneapolis oo La Soo Gabagabeeyay Iyo Culimadii Ka Soo Qaybgashay+Sawiro
Minneapolis(MMedia) Waxaa magaalada Minneapolis ka dhacay muctamar socday 3 maalmood oo ay kasoo qeyb-galeen dadweyne farabadan. Waxaa lagu qabtay Minneapolis Convention Center-ka.
Muctamarka wuxuu ka koobnaa labo qeybood oo kala ahaa Soomaali iyo Ingiriis. Qeybta Ingiriiska waxaa loogu tala-galay dhalinyarada, waxaana ka baxayay barnaamijyo quseeya dhalinyarada, wuxuuna ahaa muctamarkii 11-aad ee ka dhaca gobolka.
Qeybta Soomaaliga wuxuu ka koobnaa 9 barnaamij waxaana ka baxay 23 muxaadaro. Qeybta Ingiriiskana wuxuu ka koobnaa 6 barnaamij waxaana ka baxay 22 muxaadaro. Waxaa kale oo garab socday barnaamijyadan, barnaamijyo kale oo kala ahaa Marriage counseling iyo kitaab aqrin. Waxaa kale oo jiray qeyb muhiim ah oo ay dad farabadan ka shaqeynayeen keligoodna qabsaday floor dhan waa qeynta Day care-ka ee caruurta lagu hayo.
Culumada bixinaysay casharada waxay ka yimaadeen meelo ka fog gobolka Minnesota sida Saudi Arabia, Ingiriiska, Philadelphia, Seattle iyo meelo kale. Waxaa kale oo jiray casharo ay bixiyeen culumo ay ka mid yihiin Sheekh Umul oo jooga wadanka Kenya. Casharo badan oo laga faa’iideystay ayaa ka baxay muctamarka. Dadka intooda badan waxay imaanayeen 3-da maalmoodba ee uu muctamarka socday.
Sheekh Mohamed Idris oo muctamarka uga yimid wadanka Saudi Arabia ayaa ku qornaa kana hadlay xaalada Soomaaliya. Wuxuu Sheekha ka hadlayay xaalada Soomaaliya waqti dheer mana jirin meel uu ka tagay. Wuxuu ka hadlay dhibaatada goorta ay soo bilaabatay iyo waqtigan heerka ay marayso. Wuxuu ka hadlay dhamaan degaanada Soomaaliya. Wuxuu si gaar ah uga hadlay dadka Soomaalida. Wuxuu ka hadlay kuwooda ay dhibaatada ku dhacdo maalin walba iyo kuwa dhibaatada geystaba. Wuxuu Soomaalida kula taliyay haddii ay rabaan in uu Ilaahey dhibaatada ka dulqaado in ay noqdaan dad wanaagsan oo isku duuban oo Ilaahooda ka cabsada. Wuxuu tilmaamay in aysan weli Soomaalida gaarin heerkaas. Dadka qaar waa ooyeen intii uu Sheekha ka hadlayay dhibaatada Soomaalida. Si weyn ayaa loogu riyaaqay hadalkii Sheekha. Haddii aad rabto qudbada Sheekha oo dhameystiran waxaa haya Book Store-ka xarunta. Waxaa hubaal ah in ay wax badan kaa badali doonto.
Dhamaadkii muctamarka waxaa dadka wejiyadooda ka muuqday farxad iyo in ay korarsadeen cilmi farabadan. Barnaamijka wuxuu ahaa mid balaaran oo meelo badan ka kala socday dad farabadana ay ka shaqeynayeen. Wuxuu ahaa barnaamij si sare loosoo agaasimay. Waxaa barnaamijka soo agaasimay Abubakar Islamic Center. Dhamaadkii kulanka waxaa ka hadlay maamulka Abubakar, waxaana u hadlay madaxa maamulka Sheekh Xasan Dhooye. Wuxuu Sheekha u mahadceliyay 300 oo qof oo bilaash ku shaqeynayay 6-dii bilood ee la waday qabanqaabada muctamarka. Wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay uguna duceeyay gabdhaha Soomaalida oo uu ku tilmaamay in ay yihiin laf dhabarta xarunta.
Culumadii iyo aqoonyahanadii kasoo qeyb-gashay ee casharada bixisay waxaa ka mid ahaa:
Sh. Cabdiraxmaan Sh. Cumar
Sh. Axmednuur Macalim
Cabdiraxmaan Mukhtaar
Sh. Dr. Cabdirizak Takar
Sh. Maxamed Idris
Dr. Cabdiraxmaan Dacar
Sh. Cabdullahi Ibrahim
Sh. Cabdirizak Hashi
Sh. Maxamuud Shibli
Sh.CabdullahiNur(Abulfadli)
Sh. Dr. Waleed Idrees
Sh. Maxamed Umal
Sh. Dr. Axmed h Cabdiraxmaan
Mr. Cabdiwahab Omar
Cabdiraxmaan Shaacir
Sh. Okasha Hassan
Sh. Youssef Soussi
Sh. Dr. Hatim Al Haj
Sh. Abdulbary Yahya
Dr. Abdulhakim Mohamed
Sh. Mohamed Shakib (Cabqari)
Sh. Jamal Bin Amir
Br. Abdi Dheere
Sh. Abdihakim Hussein
Sh. Mustapha Hamida
Daawo Sawirada Xaga Hoose
Waxa warbixinta Isku soo dubariday MogadishoTimes
Maakhir Media London
