Booliska South Afrika oo Baacsanaya Soomalida
Southafrika(MMedia) Ciidamada booliska Koofur Afrika oo ay wahliyaan ciidamada baara danbiyada ayaa waxa ay weerar ku qaadeen goobo ganacsi oo ay leeyihiin dad Soomaali ah oo ku yaala Magaalada Johannesburg ee dalkaasi halkaasi oo la sheegay in ciidamada booliska ay gacanta ku dhigeen dukumuntiyo been abuur ah iyo lacago la sheegay in si sharci dara ah ay u isticmaalayeen dadka Soomaalida
Ganacsatada Soomaalida ayaa waxaa la sheegay in sidoo kale ciidamada booliska Koofur Afrika ay u heystaan danbiyo kale oo badan, iydoo la sheegay in sababta weerarka loogu qaaday goobaha ganacsi ee dadka Soomaalida ee wadankaasi ay tahay iyaga oo ku kacay falal sharci dara ah oo ka dhan ah dowladda wadankaasi sidaasi waxaa warbaahinta u sheegay afhayeenka ciidamada booliska Koofur Afrika Captain Dennis Adriano
Afhayeenka ciidamada booliska Koofur Afrika waxa uu intaasi ku daray in aysan jirin dad weerarkaasi ay usoo xir xireen balse waxa uu sheegay in ay qorsheynayaan sidii ay usoo qab qaban lahaayeen shaqsiyaad la tuhunsanyahay in ay danbiyo ka galeen wadanka Koofur Afrika islamarkaana ay maxkamad usoo taagi lahaayeen waxaana uu ka gaabsaday Afhayeenka warar sheegaya in ciidamada weerarka ay ku qaadeen gooboha ganacsi oo ay Soomaalida leedahay ay u adeegsadeen sunta dadka ka ilmeysiisa iyo rasaasta cinjirka kasameysan.
Cali Cabdi oo ka mid dadka Soomaalida ee goobaha ganacsi ku leh Koofur Afrika ayaa waxa uu warbaahinta u sheegay in ciidamada booliska ay weerareen dhowr sandaqado oo ay Soomaalida ku leedahay dalkaasi ayna rasaas iyo suntan dadka ka ilmeysiisa ay ku fureen ganacsatadii Soomaalida ee weerarka lagu qaaday, isagoo xusay in ciidamada dadkaasi ay six xun ula dhaqmeen.
Ugu dambeyn arintani ayaa waxaa si weyn uga carooday jaaliyada Soomaalida ee Dalka Koofur Afrika oo muda kooban iyaga iyo ciidamada booliska uu iska horimaad dhexmaray xiligii ciidamadaasi ay weerarka ku qaadayeen goobolaha ganacsi ee dadka Soomaalida ay ku leeyihiin Magaalada Johannesburg ee dalka Koofura Afrika
Maakhir Media Xafiiska Masar
