Golaga Guurtida Somaliland oo Eedayn Kulul U Soo Jeediyay Wasiirka Arimaha Gudaha
Hargaysa(MMedia) Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa shirgudoonkooda ugu baaqay in mar kale u yeedhaan Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Goboose oo ay ku eedeeyeen inuu cudur-daar la’aan ka baaqsaday inuu horyimaado golaha. Muddo sadex jeer ah.
Mudaneyaal ka tirsan Golaha Guurtida ayaa sidaasi ka sheegay dood Goluhu maanta ka yeeshay arrimaha Nabad gelyada dalka.
Fadhigan oo uu Guddoominayay Ku Simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad ee Golaha Guurtida Sh. Axmed Sh. Nuux Furre waxa ka hadlay sideed Mudane.
Xaildhibaan Jirde Siciid Maxamed oo ka hadlay fadhigaasi wuxuu soo jeediyay “Waxaan soo jeedinayaa oo ay nabagalyadu ku horu mari kartaa in gudaha iyo kaantaroolada magaalooyinka laga soo galayo aad loo adkeeyo nabad-galyadooda oo lala socdo Huteelada habeenkii la seexdo, xukumaduna waa xukumad cusub oo muddo yar bay xilka haysay, doorka aynu gole ahaan ku leenahay-na waa wacyi-gelin sidii golahu waligiiba ahaan jiray doorkii uu ku lahaa arrimaha nabad-galyada la soo celiyo oo uu shirgudoonku ka hawl galo.”
Xildhibaan Maxamuud Xareed Rooble, oo doodiisa ka soo jeediyay fadhigaasi “marka nabadgalyada la leeyahay anigu aragtidayda laba shay baynu ku leenahay, horta nabad galyada iyo sugida amniga xukumadaa u xil-saaran inagu gole ahaan waxaynu ku laeenahay, in aynu shuruucdeeda dejino taas oo ku saabsan shuruucda diinta, dhaqanka iyo nabad galyada ku saabsan iyo in aynu xukuumada ka gacan siino arrimaha siyaasada, dhaqaalaha, arrimaha bulshada, difaaca iyo nabadgalyada sida dastuurka ku cad.
Md. Xareed waxa uu ku eedeeyay Wasiirka Daakhiliga inaanu Golaha hor iman sadex jeer oo ay ka dalbadeen inuu horyimaado Golaha Guurtida isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “ Saaka waxaynu filaynay oo aanu u soo diyaar garownay in uu Wasiirka Arrimha gudaha waa markii sadexaad ee loo yeedho ee aanu iman waana qodob disroori ah in aynu u yeedhano cidii aynu u baahano. markaa waxaan leeyahay haddii aanu imanayn shir gudoonoow waa in tallaabada uu leeyahay waa in laga qaadaa. “
“Waxaad moodaa shuruucda loogu baahida badan yahay ee maanta dalka taallaa in ay tahay ta aynu inagu Guurti ahaan u xil-saaran nahay tusaale ahaan sharciga nabadgayada wadooyin ka waynu dhamaystiray ma aqaan meel uu ka baxay hadana waxaan arkayay Golaha Wakiilada oo haysta iyo qolooyin hudheelo siminaaro ku qabaya ayaan arkayay, markaa anigu waxaan leeyahay doorkii gacan siinta xaga sugida nabad galyada ee goluhu hoos buu u dhacay,”ayuu yidhi XildhibaanMaxamuud Xareed Rooble.
Xildhibaankaasi waxa kale oo uu tilmaamay in doorkii nabadeynta ee Golaha Guurtidu hoos u dhacay waxaanu yidhi “Shirarkii nabadaynta ee dalka ka dhacaayay cid Guurti ahaan inaga tagtay ma jirto waxa lay sheegay in shirkii deegaanka garbo dadar hal Xildhibaan baa ka qayb galay kii ka dambeeyay oo ahaa shir aad u muhiim ahaa ee Widh-widh waxaan u malaynayaa in uu isna hal xildhibaan ka qeyb galay, markaa waxaan leeyahay halkaa waxa ku jira hoos u dhac maynaan ka qaadan doorkii aynu ku lahayn arrintaas.”
“Baryahan waxa socda shirar docceedyo ka socda bari iyo galbeed waa laga yaabaa in ay reeruhu dano ay iska leeyihiin ay ku fushanayaan, laakiin waxaad moodaa in uu badan yahay oo aad jaraa’idka subax walba aad ku arkayso taas anigu ma qabo in dadkaasi yihiin qaar Nabadgelyada iyo qaranka ku lid ah, laakiin haddii ay sii socdaan oo ay bataan waxay noqonayaan qoys-qoys markaa waa in taxadirkooda way mudan yihiin,”ayuu yidhi Xildhibaanku.
Xildhibaan C/raxmaan Cismaan ayaa Wasiirka arrimaha gudaha ku eedeeyay inuu Guddida Nabadgelyada ee Guurtida albaabka xafiiskiisa ka xidhay xili ay ku booqdeen wasaarada daakhiliga dhaawaan.
Xildhibaan C/Raxaan waxa uu shirgudoonka Golaha Guurtida ugu baaqay inay u yeedhaan Wasiirka waxaanu yidhi “Waxaan jecelahay in loo yeedho Wasiirka Arrimaha Gudaha oo nabad galyada waxa uu ka qabtay iyo siday ka tahay shirarkan badan ee dib inoogu celinaya 1993-kii dawlad nimadiina baa’biinaya in la waydiiyo waxa uu ka qabo ayaan soo jeedinayaa waan in loo yeedhaa. Haddaanu nahay gudidda nabad-galyada ee Golaha Guurtida waxaanu damacnay inaanu Wasiirka Arrimaha Gudaha u tagno albaadkaanu naga xidhay. Waxaan ku celinayaa in Wasiirka loo yeedho oo marka hore la fahan siiyo in aynu nahay gole dastuuri ah, kadibna la waydiiyo wixii uu shacabka u qabtay .”
Xildhibaan Sh. Cumar Sh. Furre “Wixii nabad-galyada dhaliil u keenaya in laga dadaalo weeyaan, waxaan leeyahay xukuumaddu arrimaha ha eegto oo ha u qaybiso cid waliba waxa ay leedahay, nabad-galyadana haddii aynu Guurtida nahay sidii aynu u sugaynay ee aynu uga shaqaynaynay waa in aynu gole ahaan uga shaqaynaa oo ay u diyaar garawnaa waxa ka qabashadeeda. Waxaan soo jeedinayaa in Guurtidu dedaalkii ay lahayd la soo baxdo, xukuumaduna shaqadeeda ha ka soo baxdo.”
Prof. Axmed Dirir Cali, oo ka mid ahaa Mudaneyaashii fadhigan ka hadlay waxan uu yidhi “Doorka Guurtida ee nabad-galyadu maaha mid qarsoodi ah ee waa mid dastuurku qeexay oo ummadu ogtahay mana aha in aynu maanta wax iska way diino, arrintan waxay ka dhigan tahay qodax waddo oo maaha in cid looga amar qaato. Gole ahaan waa in aynu xogogaal noqonaa oo meel walba tagnaa oo dadka ka wacyi galinaa wax yaabaha nabad-gelyada wax yeelaya oo aynu ka odayaynaa, markaa waxaan leeyahay taasi waa dhaliil aynu gole ahaan leenahay.
Ta kale nabd-galyadu waa waxa aynu iibinayno ee aynu ku noolahay ee aynu citiraaf ku doonayno, waxaan leeyahay waa in la sheegaa doorka aynu ku leenahay oo tilmaanaa waxyaabaha dhibaatada ku ah nabada.”
Xildhibaan Yuusuf Cabdilaahi Cawaalle ayaa sheegay inaanay Golaha Guurtidu cidna ka baryaynin inay qabsato waajibaadkeeda shaqo “Doorka aynu guurti ahaan ku leenahay nabad-galyada waa mid cad oo faa’iido badan u keenay dadka reer Somaliland, doorkeena cidna ka baryimayno haddii ay timado amni darro ma jirayso waxbarasho iyo caafimaad, shir-beeleed haddii la qabayo oo wanaag lagu qabayo wax dhibaato ah ma laha laakiin waxaad moodaa baryahan dambe in ay jiraan shirar beeleedyo dadkeenuna waxay u badan yihiin dad wax dhagaysta oo waxa dhici karta in si kale loo fasirto. Waxaan leeyahay wasiirka arrimaha gudaha dhawr jeer baa loo yeedhay, haddii loo yeedhayna dhawrkii jeer muu iman cudur daar wuu jiri karaa laakiin waxa laga rabaa in ay wasaaraddu soo jawaabto oo golaha u cadysaa sababta uu wasiirku u iman waayay.”
Xildhibaan Farxaan Ciise Ubaxle “Nabad-galyadu maanta meeshii ugu fiicnayd bay maraysaa adduunyada waynu ognahay, dalalka dariskeenana waynu og nahay waana in aynu ILAAHAY ugu mahad naqnaa.
Maalintii dhawayd ee loo baxayay bari laba nin oo guurtida ka tirsan ayaa dibada looga yeedhay shir-gudoonkana lama soo waydiisan, labadii xubnoodna may tagin ee way ka baaqdeen maadaama oo aan shir-gudoonkii iyo golihii aan la soo waydiisan, markaa waxaan leeyahay inagoo ka duulayna dastuurka iyo goluhu siduu ahaan jiray waa in la baadi doonaa hawshii uu golaha guurtidu lahaan jiray. Waxa maanta ka jira dhamaan xaafadaha magaalada Hargaysa guddiyo nabad-gelyo markaa waa in aynaan wasiirba u marine ee aynu si toos ah ula kulano guddiyadaas.”
Xildhibaan Sahal Iidle Dirir “Waxa haboon in la soo celiyo meelihii dadka lagala hadli jiray, tusaale markii ay doorashadu soo dhawyd Golaha Guurtidu wuxuu u baxay wacyigalin ku wajahan arrimaha nabad galyada iyo sidii ay ugu dhici lahayd doorashadu si nabad galyo ah, dabadeetana waxa loo baxay gobolada dalka oo dhan dadwaynuhuna wuu ka dharagsan yahay sida ay wax uga tartay habsami u socodkii doorashada iyo waayooyinkii ay bixinayeen Golaha Guurtidu. Anigu waxaan odhan lahaa wacyi galintaas Goluhu ha sameeyo marar faro badan isagoo dadka ku wacyi galinaaya nabad-galyada iyo midhaha ay dhalayso.”
Dhinaca kale hadii uu qabiil inta uu shiro wax aan qaranka iyo dalka faa’iido u lahayn haddii uu la shir yimaado ayay u baahan tahay in looga nasteexeeyo, caalamka oo dhami wuu soo maray qabaa’ilka laakiin waa lagu horu mari waayay markaasaa la yidi waar aan samaysano maslaxad inaga wada dhaxaysa.”
Maakhir Media Xafiiska Hargaysa
