Faroole oo Magacaabay kooxdii soo Diyaarin Lahayd Riwaayadii ugu Heesha Badnayd ee P/land
Badhan(MMedia) Madaxweynaha Maamulka P/land Mr Farooel ayaa isugu yeeray golihiisa Wasiirada waxaanuu ka dhex magacaabay Gudi Wasiiro ah kuwaasoo uu u xilsaaray sidii ay soo diyaarin lahaayeen xafladii ka soo wareegtay Xiligii lagu dhawaaqay Maamul Goboleedka P/land xiligaas oo laga joogo 13sanadood waxaanay alaaba la xusaa bisha Ogost kowdeeda
Hadaba waxa dadkuba ka wada dheregsan yihiin xaalada hada ay ku sugan tahay p/land inay tahay mid lagu kala dhaqaaqay sida Boosaaso xiliyada kulaylaha looga xagaabaxo ayaa dhamaan Beelihii ku Midoobay Maamulka P/land uga Xagaa Baxeen Maamulka Faroole oo xil gudsho la,aani u dheer tahay afxumo waxaana muuqata inay kusoo hadheen Faroole inta Mushxarada una jiibanlahayd
Hadii aynu dib u yara jaleecno xaalada hada ay ku sugan P/land waa mid aad u cakiran waxaanay usii kala jajabaysaa Gobolo Gobolo halka qaarkoodna Somaliland Gacanta ugu jirto waa markii ugu horaysay ee sidan oo kale noqoto tan iyo xiligii la aas aasay waxaana sabab u ah tayo xumida Maamulka Faroole oo cidii istiraahda saxna Aflagaado ku booba.
Inta badan Isimada iyo Aqoonyahanka P/land ayaan kahadal xaalada Maamulku ku jiro iyagoo ka war haya dhaqan xumida Maamulka Faroole
Hore waxa uu u ahaa Faroole Wasiirkii Maaliyada Xiligii Cade Muuse waxaana xilka looga qaaday ka dib markii uu gudan waayan howshii loo igmaday waxaanu taa bedelkedii kaga jawaabay inuu weeraro Golaha Wakiilada isagoo adeegsanaya wiilal yar yar oo ay isku hayb ahayeen ninkii sidaas hora u sameeyay ayaa iminka gacanta loo geliyay masiirkii P/land Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa ninkay Adhiga kala quusato ayay Geela u dirataa waayo halkii laga mamnuuci lahaa xataa inuu isu soo taaga Jagaada Madaxweynanimada ayaaba la doortay hadaba maanta P/land canaan iyo is ciilkaanbi uma banaana
Hadaynu ku yara hakano xaaladaha ay ku sugan yihiin Gobolada P/land waa sidan Gobolka Bari Dagaalo ayaa ka soo noqnoqonaya Gaar ahaan Galgala iyo Ufayn iyo Dilal qorshaysan oo ka socda gudaha Boosaaso Halka Gaalkacyo ay deris la noqotay qaraxyo iyo khaarajin farsamaysan Sool iyo Sanaag haba sheegin gacanta P/land kuma jirto waxa kaloo soo Ifbaxaya Maamulo lagu dhawaaqayo oo ka madax banana kan Faroole waxa sii badanaya Shirarka Beelaha Dega p/land oo aayahooda ka tashanaya iyadoo waxaasi oo dhami jiraan weli Faroole uma Magacaabin raxan Wasiiro ah oo wax ka qabta dhibaatooyinkaas wuxuuse hada Magaacabay kudlad wasiiro ah sidii loogu Mushxaradi lahaa halka Xeradii loo Igmadayna dadkii ku kala dareereen
Hadaba jilaaga wayn ee Faroole ayaa kooxdiisa u diray inay usoo diyaariyaan Riwaayad ay ka dhacayso si uu ugu raaxaysto iskuna ilowsiiyo eedaaha faraha ka batay ee loo soo jeedinayo waxaanuu magaacabay koox Wasiiro ah oo uu ka soo xushay Wasiiradiisa waxaanu is yiri waa kuwo isla jaanqaadi karaya markay Heesayaan waxaanu ku amray inay soo diyaariyaan Heeso la yaab leh Laxankana u geeyaan is uu u saaro Gudoomiyaha Baarlamaanka halka gaada ka ciyaarka iyo jiibta heesahana loo diyaarshay Raxan ka tirsan Golaha Baarlamaanka waxaana lasoo qadimay wasiirada Albanka Kowda ogosto soo saaraya waana kuwo khubrad u leh samaynta heesaha waana kuwan
- Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Puntland Marwo Caasho Geelle Diiriye
- Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Puntland Mudane Axmed Cali Askar
- Wasiir xigeenka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Puntland Mudane C/laahi Maxamed Aswad
- Wasiir xigeenka Shaqada Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Cayaaraha Puntland Mudane Cismaan Cawad
Qaybta Mashxarada iyo Sacabkana waxa loo xilsaaray Wasiirka arimaha Gudaha Jenaraal Ilka Jiir oo ku maqan siduu usoo xuli lahaa koox markay ku dhuftaan Mashxarada iyo Sacabka Somaliland ka Cararto Laascaanood waxaana qaybtood lagu baananayaa Xaafadaha Garoowe si aanay xili hore u noogin
Maakhir Media Xafiiska Badhan
