|

Shirka Dhahar oo Maamulada Somaliland Iyo P/land Dabar Iskaga Xidhay

Dhahar(MMedia) Waxa ka socda Magaalada Dhahar shir ay isugu imanayeen Dhamaan Isimada,Aqoonyahanka iyo Culimada Beel  Waynta Dubays lagagana arinsanayo ayaaha Beeshaas ayaa ilaa iminka u socda si habsami ah waxaana laga dheereeyay saxaafada iyo inay gacmaha lasoo galaan Maamulada Somaliland iyo P/land

Inkasto ay jiraan iskudayo lagu doonayo in lagu minja xaabiyo shirkaas oo ay wadaan Somaliland iyo P/land oo mid waliba doonayo in uu gacan ku yeesho ayaa gudida qaban qaabadu waxay xusul duub ugu  jiraan inaanay u suura gelin Maamuladaasi inay fursada ka helaan madaama aan la ogolayn fargelin ay ku yeeshaan xubnaha ka socda Maamuladaasi

Shirkan oo ah mid diiraada lagu saaray danaha beesha u khaaska ah iyo kan Beelwaynta Warsengeliba ayaa dhamaan kasoo qayb galayaasha shirku uga doodayaan si taxadar ka muuqdo waxa ugu muhiimsan ee laga hadlayaana ay tahay arimaha Horumarinta deegaanka iyo Nabadgelyada waxaana sii dheer sidii laga yeeli lahaa Deegaanka Galgala oo noqday Hoy ay ku Dagaalamaan Wadaadka Sh.Atam iyo Maamulka Faroole oo xalkiisu adkaaday waxaana laga yaabaa in Go,aamo wax ku oola laga soo saaro dhawaan insha alaah

Magaalada shirku ka dhacayo oo amaankeeda aad loo adkeeyay ayaan la ogolayn inay soo galaan Ashkhaasta ka tirsan Maamulada Somaliland iyo P/land waxaana hore loogu wargeliyay inaan loo ogolayn inay ka mid noqdaan Ergooyinka shirka ka qayb gelaya madaama ay yihiin kuwo aan ka turjumi Karin hadafka beesha shaqaalena ka yihiin Maamulo aanlaysku raacsanayn ka mid ahaanshiyahooda

Shirkan ayaa lagu wadaa inuu soo gaba gaboobo Maamlmahan fooda inagu soo haya waxaana laga soo saari doona Go,aamo muhiimadiisa  leh iyadoo xaalada lagu jiro ay tahay mid adag oo u baahan in taladeeda laga yeesho waxaanu shirkani kusoo  beegmayaa xiligii ku haboonaa madaama ay beesha u cadaatay ahdaafta Maamulada hareeraha ka xiga iyo danahooda gaarka ah

Maakhir Media Xafiiska Dhahar  

Comments are closed