Hagardaamada Maamulada Siilaanyo Iyo Faroole Ku Hayaan Saxaafada Maaha Mid Loo Dulqaadan Karo
Garoowe(MMedia) Maamulada P/land iyo Somaliland waxay noqdeen kuwo jilaabta weriyayaasha ka howl gala Saxaafada Madaxa banaan kuwaasoo diirada saara hadba musmaasuqa iyo dayacnaan badan oo ka jira Maamulkooda waxaanay la beegsadaan caga juglayn iyo xadhig waxaana usii dheer maxakamad deg dega ah oo aan dhagaysan habayraatee dacwada Suxufiga waxaanay inta badan ku xukumaan sanawaad
Inkasto Mr Faroole iyo Siilaanyoba xiliyadii ay u hamuun qabeen kursiga ugu sareeya Maamulkooda waxay ku dacwoon jireen in Maamuladii ka horeeyay cabudhiyaan Saxaafada kana soo horjeedaan dimuqraadiya waxanay inta badan u xaglin jireen in warbaahinta laga daayo cabudhiska iyagoo u arkayay inay wadaan danhooda khaaska ah laakiin marnaba maankooda may gelin inaanay saxaafadu cidna la jaal ahany balse ay yihiin kuwo u adeega bulshada saxiib dhowna la yihiin Shacab la dhiigmiiranayo
Weriye boston iyo Tafatiraha wargaysaka Jamhuuriya Mr Ciro waxa ay wax ka qoreen wixii shaqadoodu ahayd waxaanay iftiimiyeen inay jirto dayacnaan iyo musuqmaasuq waxaana la soo gudboonaaday xadhiga aan loo soo marin sifihii sharci ahaaneed waxaynay deris la noqdeen maxaabiis danbiyo ka gashay shacabka iyo dalkaba waxaana meel lagaga dhacay sharaftoodii Suxufinimo
Madaxda jecel musuqmaasuqu iyo Digteetaraduba waxaydagaal xoogan kula jiraan Saxaafada Madaxa banana si aanay usoo bandhigin Xatooyada ay ku hayaan cashuuraha laga soo uruuriyo dadka masaakiinta ah ee aanay ku filayn nolol maalmeedkooda waxaanay ka doorbidaan inay dhaqaalaha kula saaxiibaan ashkhaas u adeegta danahooda gaarka faafiyana fikradahooda is ay ugu sii nagaadaan kursiga
Somaliland iyo P/land maaha Maamulo hantay deegaanada ay shegtaan awoodooduna ma dhaafsiisna Magaalooyonka ay ka dhigataan fadhiisinka waxaanay inta badan xooga saaraan inay la kulmaan ama mashaariic ka helaan hayadaha debada ah qolaysato wadanka u yimaada inay gaadhsiiyaan hagardaamooyin aan laga soo kaban Karin
Xukuumadaha Gacmo ku rimiska ah ee xasaasiyada ka qaada in lala xisaabtamo gadhwadeenadana ka yihiin Siilaanyo iyo Faroole hadaanay joojin baacsiga Saxaafada madax banana una hogaansamin dhaliilaha ay lee yihiin asxaabat ay u dhiibtaan xilalka waxa iman doona kacdoon ay hogaaminayso Saxaafadu waxaanay sababi doonta inay kuraasta waydaartaan hadii kale waa inay saaxiib dhow la noqdaan saxaafada oo ay hadba meeshii xil gudasho la,aan laga soo sheego wax ka qabtaan
Sidaynu la soconon Saxaafadu xildoon maaha laakiin waxay saxdaa khaladaadka iyo musuqmaasuqa hadba ragaadiya Maamulka markaa jira waxay toosh ku ifiyaan goldaloolooyinka ka muuqda Wasaaradaha iyo Hayadaha Dowliga ah waxaanay ka damaqdaan in dhiiga shacabka si fudud loo miirto waxa kale oo Saxaafadu saaxiib dhow la tahay cadaalada iyo Maamul wanaaga
Maakhir Media Xafiiska Garoowe
