Gurmad:Fariin ku socoto Dowladda Somaliya, Shirkadaha Xawaaladaha iyo Shacabka Somaliyeed
London(MMedia) Iyadoo ay isa soo tarayaan dhibaatada baahsan ee ka dhalatay abaaraha culus ee ku dhuftay Gobolada Koonfureed ee dalka Soomaaliya ayaa waxay kumaakun oo ruux ay la-foollanayaan dhibaatooyin kala duwan.
Dowladda Soomaaliya iyo Shirkadaha Xawaaladaha ee Soomaalida ayaa waxaa loo-soo jeedinaayaa inay iska kaashadaan sidii ay ku suurta gellin lahaayeen Akoon “Account” oo uu ruux kastaa oo Soomaali ah uu ku soo ridi karaayo wax kastaa oo uu kari karo, si wax looga qabto xaaladda adag ee ay ku sugan yihiin dadku ay abaaruhu saameeyeen.
Shirkadaha Xawaaladaha ee Soomaalida sida Qaran Express, Dahab Shiil, Amal, Tawakal, Ammaana, Sahal, Mustaqbal, Bakaal iyo Xawaaladaha kale ayaa waxaa loo-soo jeedinayaa inay sameeyeen Akoon “Account” oo loogu talla gallay dad barakacayaasha ah ee ay abuuruhu saameeyeen, si wax loogu qabto shacabka Soomaaliyeed.
Haddii ay talaabadaan suurta gelliyaan Dowladda Somaliya iyo Shirkadaha Xawaaladaha ee Soomaalida ayaa waxay Ummada Soomaaliyeed ay iyana suurta gellin karaan in ruux kastaa waxa uu awoodo uu ku soo rido Akoon “Account” ay sameyeen, si wax loogu qabto shacabka masaakiinta ah ee maanta abaaraha baahsan ee aafeeyeen.
Abaaraha ka dillaacay dalka Soomaaliya ayaa waxay geysteen dhibaatooyin kala duwan oo iskugu jira barakac, gaajo, haraad iyo dhibaatooyin baahsan, iyadoo ay taasi u dheer tahay in shacabka ay qaarkood ku hoydaan guryo ka sameysan cawdasho, halkaasoo oo xilliyadii habeenkii ah ay ku dhaxamoodaan, halka mararka qaarkoodna uuba ku soo da’o roobab xoog leh.
Hadaba Dowladda Somaliya, Shirkadaha Xawaaladaha iyo Shacabka Somaliyeed ayaa waxaa lagu adkeynayaa in si deg deg ah ay talaabadaan ku suurta gelliyaan, iyadoo la-rumeysan in barakacayaasha ay wax weyn ka tari doonto.
Maakhir Media Network
