|

Wasiirada Qorshaynta Iyo Arimaha Gudaha P/land oo Baarlamaanku Su,aalo Ku Boobeen

Garoowe(MMedia) Xildhibaanada baarlamaanka ee Puntland ayaa maanta la xisaabtamay wasiirka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga Dr.Daa’uud Maxamed Cumar iyo wasiirka arimaha gudaha Gen.Cabdilaahi Axmed Jaamac Ilka Jiir.

Kalfadhiga oo ay golaha wakiilada Puntland ay maanta ku yeesheen magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa waxaa kasoo qaybgalay 46-mudane oo katirsan golaha baarlamaanka ee Puntland,waxaana shir gudoominayay gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi.

Wasiirka qorshaynta Puntland Dr.Daa’uud Maxamed Cumar ayaa ka hor inta aysan bilaaban su’aalaha ay baarlamaanka ay ka waydiiyeen waxqabadka wasaaradiisa ayaa waxaa uu goobta uu kasoo jeediyay warbixin ku saabsan waxa ay qabteen.

Wasiirka ayaa sheegay in xiligii loo magacaabay xilka wasaaradda uu ugu yimid meel wanaagsan oo wax laga sii wadi karo,waxaana uu sheegay sidaas darteed inay go’aansadeen inay ka sii wadaan halka ay wasaaradda maraysay.  

Waxaa uu sheegay in wasaaraddiisa ay ka diiwaan galisay deegaanada Puntland 17 hay’adood oo katirsan QM 35 NGO oo caalami ah iyo 230 NGO oo gudaha ah waxaana uu sheegay in wasaaradiisa ay lasocoto howlaha shaqo ee dhamaan NGO-yada kawadaan Puntland.

Golaha baarlamaanka ayaa su’aalo ka weediyay wasiirka mashaariicda hay’adaha QM ee kasocota deegaanada Puntland iyo sida wasaarada qorshaynta ay u la socoto.

Wasiirka ayaa waxaa uu kaga jawaabay in wasaaradiisa ay mashaariic kasta oo laga hirgalinayo Puntland inay ku tixgaliso wasaaradaha ku shaqada leh mashaariicda,waxaana uu sheegay in wasaaradiisa ay kor kala socoto qaabka ay u socoto mashaariicda.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa gabagabdii sheegay inay ku qanceen jawaabaha uu wasiirka qorshaynta ka bixiyay su’aalaha la weediiyay waxaana ay soo jeediyeen in wasiirka uu meeshiisa ka sii wado howlaha wasaaradda.

Dhinaca kale wasiirka arimaha gudaha Puntland Gen.Cabdilahi Axmed Jaamac Ilka Jiir ayaa dhankiisa ka jawaabay su’aalo kale duwan oo ay wasaaradiisa ka waydiiyeen baarlamaanka Puntland.

Arintan ayaa qayb ka ah la xisaabtan dhinaca waxqabadka wasaaradaha Puntland oo ay wadaan golaha baarlamaanka ee Puntland,waxaana la filayaa inta uu socdo kalfadhiga 26-aad ee baarlamaanka in loo yeero wasiiro kale duwan oo katirsan dowladda Puntland.

Horseednet

 

Comments are closed