Sweden oo cadaysey in wariyeyaal looga qabtay Ogaden
Ethopia(MMedia) Haweenay u hadashay wasaarada arimaha dibada Swedan oo lagu magacaabo Cecilia Juhlin ayaa xaqiijisay in laba wariye oo u dhashay dalkeeda lagu xiray Itoobiya, kadib markii la qabtay iyaga oo la socda rag hubaysan oo ka tirsan ONLF. Afhayeenka ayaa sheegtay in labadan nin mudo la la,aa iyadoo markii danbe war lagu helay inay 27kii June galeen gudaha gobalka Ogaden, isla markaana gacanta lagu dhigay jimcahii oo taariiqdu ku beegnyad 1da bisha July.
Cicilia ayaa intaa ku dartay in ay xidhiidh la sameeyeen safaaradooda ku taala Addis, si ay xaalka labada nin u daba galaan. ,, Way ogaayeen in goobta ay u socdaaleen khatar ahayd, si khayaarkood ah ayayna ku safreen oo khatar u qaateen,, ayay tiri Anna Roxvall oo ay goob ka wada shaqayn jireen labada wariye, waxayna intaas ku dartay inay rajaynayso inaan loo citibaaran in dagaalka lagu qabay ay qayb ka ahaayeen,balse loo aqoonsado inay war doon ahaayeen.
War rasmi ah oo kasoo baxay Dowlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa lagu sheegay in ciidanka Liyuu boolisku gacanta ku dhigay laba wariye oo u dhashay wadanka Sweden xili ay la socdeen koox ONLF ah oo la sheegay inay kasoo galiyeen dhanka soomaliya. Labadan nin oo lagu magacaabo Johan Persson 29 jir iyo Martin Schibbye 30 jir, ahaana wariyayaal madax banaan, ayaa la sheegay inay la socdeen malayshiyo ka tirsan garabka hubaysan ee onlf.
Dowlada Deegaanka Soomaalida iyo waliba tan federaalka ayaa sheegay in sirdoonka DS ka war hayay dhaqdhaqaaqii nimankan labada ah iyo dadka wadayba, taas oo bay yiraahdeen keentay in diyaar garow dheer ka dib lagu guulaysto in gacanta lagu dhigo labada wariye iyo lix ka tirsan ragii la socday, iyagoo intaa ku daray in 15 ka tirsan onlf goobta lagu dilay.
War kasoo baxay jabhadda ONLF ayaa lagu sheegey in wariyeyaasha iyo iyaga uu xidhiidhka u go’ay 1-dii Luuliyo, kadibna ay ogaatay in ay u gacan galeen dowlada Ethiopia, islamarkaasina u cabsanayaan amaankooda.
ONLF waxa ay cambaareysey dowlad goboleedka Puntland oo ay ku eedeysey in ay dowladda Ethiopia ka caawisey qabashada ragani iyo gudbinta xogta.
Dhanka kale afayeen u hadlay dowladda federaalka ee Ethiopia oo lagu magacaabo Shimelis Kamal ayaa sheegey in ay wariyayaasha ay ku dhaawacmeen howlgalkii lagu soo furanayay, islamarkaasina ay dileen 15 ka mid ah jabhadda ONLF
Saxaafada dalka Sweden oo arintan wax ka qortay halkan ka akhri: http://www.aftonbladet.se/nyheter/article13267864.ab
Kismaayonews.com
