Waa In Hayaduhu Dalka Usoo guuraan: Madaxwene Shariif
Muqdisho(MMedia) Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ku sugan dalka Itoobiya ayaa ugu baaqay hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha Soomaaliya inay u guuraan dalka gudihiisa si ay ugu shaqeeyaan.
Sheekh Shariif ayaa hordhigi doona kulanka IGAD in hay’adaha gargaarka ee Qarammada Midoobay iyo xafiisyada Midowga Afrika ee ku shaqada Soomaaliya inay u guuraan gudaha dalka si ay howshooda halkaas uga wadaan.
Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu uu ka dalbaday hay’adaha gargaarka in iyagoo ku sugan gudaha dalka ay wax ka qabtaan xaaladaha bani’aadamnimo ee dalka ka taagan.
Madaxweynaha ayaa sheegay in hadda kaalmooyin la gaarsiin karo gobollo iyo degmooyin fara badan ayna lama huraan tahay inay hay’adaha u guuraan Muqdisho si ay u caawiyaan dadka abaaraha kasoo barakacay una gutaan shaqooyinkooda ku wajahan Soomaaliya.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa beesha caalamka ugu baaqay inay gargaar deg-deg ah lasoo gaaraan ummadda Soomaaliyeed ee abaarihii ugu adkaa muddo 50-sano ah soo mara.
Madaxweynaha ayaa waxaa safarka uu kaga qaybgalayo shirka IGAD waxaa ku wehliya wasaarada gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Fiqi, xildhibaan Xasan Abshir iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada.
Maakhir Media Xafiiska Muqdisho
