Guddiga dib u heshiisiinta qaranka oo xubno u diraya Mudug
Muqdisho(MMedia) Guddiga dib u heshiisiinta qaranka Soomaaliya ayaa sheegay inay guddi u dib u heshiisiineyd ay u dirayaan beelaha ku dagaalamay qeybo ka mid ah gobolka Mudug ee bartamaha dalka Soomaaliya.
Isagoo waraysi gaar ah siinayay Idaacaddaha Muqdisho gudoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta qaranka Soomaaliya Ismaaciil Macain Muuse ayaa waxaa uu sheegay inay aad uga xun yihiin dagaal beeleeyada ka soconaya deegaanka Dhagtuur ee gobolka Mudug kuwaasi oo ay dad badan ku geeriyoodeen kuwa kalana ay ku dhaawacmeen.
Gudoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta Qaranka ayaa waxaa uu sheegay in xubno dib u heshiisiineyd oo matalaya guddigooda ay u diri doonaan gobolka Mudug gaar ahaan goobaha ay isku hayaan Meleeshiyo beeleedyada kasoo kala jeeda gobolada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.
Ismaaciil Macain Muuse oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu sheegay in dirirta u dhaxaysa beelahaasi aysan aheyn mid ku cusub halkaasi, isagoo sheegay in dagaaladaasi ay ka dhasheen barakac xooggan oo ay sameeyeen dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan oo ku nool deegaanada ay dagaaladu ka socdaan, wuxuuna ka codsaday labadaasi beelood ee walaalaha ah inay si deg deg ah ku joojiyaan dagaaladaasi.
Ugu dambeyn gudoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta qaranka ayaa waxaa uu sheegay in dagaaladaasi ay kusoo aadeen xili abaaro baahsan oo saamayn ku yeelatay dadka iyo duunyada ku nool gobolada dhexe ay ka taagan yihiin halkaasi, isagoo cadeeyay in lagama maarmaan ay tahay in la joojiyo dagaaladaasi.
Maakhir Media Muqdisho
