Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland oo Koormeer ku Maray Hayadaha Dowlada
Burco(MMedia) Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismailia (Saylici), ayaa saaka kormeer hawleed oo kadis ah ku soo maray 13 ka mid Ha’yadaha dawliga ah ee dalka kaasi oo uu ugu kuurgalayay habsi u socodka addeegyada ay bulshada u hayaan iyo waxyaabaha u qabsoomayba.
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland waxa kormeerkiisu ku anfariiray madax badan oo saaka uu ku jarmaaday xafiisyadoodii,kuwaasi oo uu ka dhegaystay warbixin la xidhiidha xaalada shaqo ee xafiisyadooda.
Md. C/Raxmaan Saylici waxaa uu kormeerkiisa bilaabay saaka abbaaro 7:00 subaxnimo waxaanu kormeer ku soo maray 13 ka mid ah Ha’yadaha dawliga ah ee dalka, waxaannu ku bilaabay Ha’yada Waddooyinka Somaliland ee SRA ka dibna waxa uu soo maray Xarunta Ha’yada tayada agabka, Komishanka xuquuqul insaanka, Warshada laydhka Hargeysa , Ha;yada ICT, Ha’yada aafooyinka dabiiciga ah ee NERAD, Xafiiska xisaabaadka guud, Hanti dhawrka Guud, Ciidanka Asluubta Somaliland, Ha’yada dib u habaynta shuruucda dalka, Ha’yada shaqaalaha dawlada, Xarunta Machadka shaqaalaha iyo xafiiska gudida qandaraasyada qaranka.
Medaxweyne Ku Xigeenku waxa uu Ha’yadahaas dawliga ah ee uu kormeerayay kula kulmay iyagoo masuuliyiintoodii Fadhiyaan waxase iyagu xafiisyadooda wakhtigaasi ka maqnaa Guddoomiyaha Ha’yada shaqaalaha dawlada Md. Muxumed Aw Cabdi iyo Guddoomiyaha Hanri-dhawrka guud Md. Maxamuud Aw Cabdi (Maxamuud Dheere), Hase yeeshee waxa uu warbixintii xafiisyadaasi ka dhegaysay masuuliyiintii ka hooseysay.
Markii uu Madaxweyne Ku Xigeenku marayay xafiiska hantidhawraha guud waxa xubno ka mid ah shaqaalaha xafiiskaasi ay lahaayeen erayo ay ka mid ahaayeen “|Madaxweyne, malaa odayagayagii (hantidhawrihii guud) wuu hurdaa oo habeenkii ayuu shaqeeyaa”.
Madaxweyne Ku Xigeenka Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismailia (Saylici) oo kormeerkaasi ka dib saxaafadda u waframayay ayaa sheegay in kormeerkiisan ay uga soo baxday in masuuliyiinta laamaha dawlada ay fulinayaan awaartii xukuumadda ee la xidhiidhay in masuuliyiintu ay xafiisyadooda joogaan saacadaha shaqada ee 7:00 illaa 2:00 duhurnimo.
“Kormeerkan aan saaka ku soo maray Ha’yadaha dawladda waxa ka soo baxay in masuuliyiintu 99% qof walba isagoo xafiiskiisii xiligii loo baahnaa ee shaqo galka uu joogay,waxa ii muuqatay in Ha’yadihii aan soo marnay in qof waliba dedaalayay oo uu xilkiisa gudanayo, marka laga reebo laba masuul oo iyagu ka maqnaa xafiisyadooda,|”ayuu yidhi Md. C/Raxmaan Saylici, waxaanu intaasi raaciyay, “Waxa uu dareenkaygu runtii I sonata in masuuliyiinta Ha’yadaha aan booqday ay xil isa saarayaan.”
Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland oo la weydiiyay inay wax kala qabanayaan laamaha dawlada ee uu kormeeray dhismeyaasha iyo xafiisyada oo ay ka wada cabanayeen inuu ku yar yahay, waxaanu yidhi “Runtii nooma cusba cabashadani oo Ha’yadaha dawliga ah shirar joogto ah ayaanu yeelanaa oo bishiiba hal mar ayaanu la shirnaa Ha’yadaha dawliga ah ee madaxa banaan dhibaatooyinkoodana waanu ka warqabnaa qabyooyinka dalkana waad ka warhaysaan inay badan yihiin mudada aanu joognaana waa sanad,weaning qabaa in xafiisyada cidhiidhiga ah laga bixi doono.sida dhibaatadu u kala badan tahay ayaanna wax looga qaban doonaa”
Maakhir Media Xafiiska Burco
