Gudoomiye Dabayl oo Ka Qayliyay Somaliland
maanta sheeGudoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Saciid Dabayl ayaa gay in ciidamo katirsan maamulka Somaliland inay soo gaareen deegaanka Shimbiraale ee bariga gobolka Sanaag.
Gudoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Saciid Dabayl oo waraysi siinayay maanta warbaahinta Horseed Media ayaa sheegay in ciidamo katirsan maamulka Somaliland inay soo gaareen deegaanka Shimbiraale ee bariga gobolka Sanaag.
Waxaa uu sheegay gudoomiyaha in ciidamadaasi uu lasocdo maamulkiisa dhaqdhaqaaqa ay wadaan,waxaana uu sheegay in ujeedada ciidanka ay u yimaadeen deegaankaasi uu yahay mid salka ku haya dhulbalaarsi sida uu sheegay.
“Ciidamada waxaa wehliya xoolo dhaqato katimid Burco,waxaana arintan noolo muuqataa inay soo socoto mid la mid ah dhibaatada Kalshaale”ayuu si kulul u yiri gudoomiyaha gobolka Sanaag.
Waxaa uu dhinaca kale uu xusay gudoomiyaha in degmada Shimbiraale ee gobolka Sanaag inay beelaha deegaankaasi wadaan qabanqaabo ay kaga hortagayaan ciidamada Somaliland sida uu sheegay.
Ugu dambeyntii waxaa uu sheegay gudoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Saciid Dabayl inuu ka digayo in dhibaato ay ka dhacdo degmada taasi oo uu sheegay inay gaysan karto qasaaro baaxad leh.
Maamulka gobolka Sanaag ee dowladda Puntland ayaa marar badan sheegay in maamulka Somaliland uu faragalin ku hayo deegaano katirsan bariga gobolka Sanaag oo uu ka arimiyo maamulka Puntland
