|

Maamulka Ximan iyo Xeeb oo beeniyay eedeyn loo soo jeediyay

Muqdisho(MMedia) Afhayeen u hadlay maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa iska fogeeyay eedeyn uga timid maamulka Galmudug iyo Ahlu sunna Waljamaaca taasi oo aheyd in dagaalladii ka dhacay koonfurta G/Mudug ay ka danbeeyeen kooxda Shabaab.

Afhayeen u hadlay maamulkaasi oo lagu magacaabo Maxamed Cumar Hagafeey ayaa sheegay in dagaallada ka dhacay deegaannadaasi ay ahaayeen kuwo qabiil oo muddo dheer soo jiray, sidaasi darteed waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in la yiraahdo waxaa ka danbeeya kooxo kale.

Sidoo kale Afhayeenku waxa uu tilmaamay in uu jiro maamulka Ximan iyo Xeeb, isla markaana aysan Shabaab wax shaqo ah ku laheeyn, dagaalladaasi, isagoo muujiyay sida uu uga xunyahay sii sicoshada dagaalkaasi, wuxuuna u tacsiyeeyay eheldada dadkii ku dhintay dagaalladaasi.

Hadalka afhayeenka ayaa yimid xilli maamulka Galmudug iyo Ahlu sunna ay sheegeen in dagaalladaasi ay ka danbeeyso kooxda Shabaab

Maakhir Media Xafiiska Muqdisho

Comments are closed