Ciidamada Somaliland oo Dad ku Qab Qabtay Laascaanood
Laascaanood(MMedia) Ciidamo ka tirsan Somaliland ayaa howlgalo dad lagu soo qab qabtay saacadihii la soo dhaafay waxa ay ka sameeyeen Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Howlgaladaani ciidamada Somaliland ay ka sameeyeen Magaalada Laascaanood ayaa waxa ay ku soo qab qabteen in ka badan 10 ruux oo isugu jiray odayaal dhaqameedyo, culumaa’udiin iyo dhalinyaro, waxaana dadka la qab qabtay lagu xiray xabsi kuyaala gudaha magaaladaasi.
Howlgaladaani ayaa yimid kadib markii gudaha magaalada Laascaanood habeen hore lagu dhaawacay haweenay lagu magacaabo Nadiifo Max’ed Cali ( Col u joog) oo ah gudoomiyaha ururada haweenka ee gobolka Sool iyadoo kooxihii dhaawacayna ay goobta isaga baxsadeen.
Wararka laga helayo magaalada Laascaanood ayaa sheegay in howlgaladaani iyo baaritaanadaasi xalay ilaa saakay ay ka soconayeen gudaha magaalada, iyadoo aysan jirin wax war ah oo ka soo baxay masuuliyiinta degmadaasi.
Mudooyinkii u dambeeyay ayaa waxa xasilooneyd xaalada Magaalada Laascaanood oo bilihii la soo dhaafay ay ka jireen falal amni daro oo qaarkood lagu waxyeeleeyay masuuliyiin ka tirsan Somaliland.
Maakhir Media Burco
