W/waxbarashada Puntland Oo Maanta Deeq Raashin ah Gaadhsiisay Dadka Barkacayasha ah ee Ku Dhaqan Magalada Boosaso
Boosaaso(MMedia) Waxaa Maanta loo qaybiyay Raashin iyo Agabka dhaxanta Caruurta Qaxootiga ah ee ku dhaqan Qaybo ka mid ah xeryaha Barkacayaasha Magalada Boosaso.
Dugsiga Daryeel oo ku yaal Xerada Boqolka Buush ayaa waxaa Raashin Ka Bixiyay Xubnaha Wasarada Waxbarashada Puntland u Jooga Magalada Boosaso.
Deeqdan ayaa waxaa looga Jeeda in Caruuraha aanay Uga Baaqan Dugsiga Gaajo ka Qabsata dhinaca Guriga arintaasi oo la Gartay in Laga Hortago.
Horjoogaysaha Schoolka Daryeel ee Kaamka Boqolka Buush ayaa waxa uu halkaasi Mahad Balaaran uga Celiyay Allah Marka Xigtana Wasarada waxbarashada Puntland.
Dadka Maanta Rashinka Loo Qaybiyay ayaa waxaa la siiyay Qoyskiiba Loor Bariis ah Caagad Saliid ah iyo Bustaha Dhaxanta Laga Huwado.
Rashinka ayaa marka hore waxaa uu Ka yimid Hay’ada UNICEF iyadoona loo soo mariyay Wasarada waxbarashada Puntland oo maanta Qaybisay.
Maxmed Axmed Jamaame oo ah Kormeeraha Guud ee Wasarada Waxbarasha Puntland U Qaabilsan Kaamamka Barkacayaasha ayaa waxaa uu halkaasi ka Qaybiyay Raashinka.
Qoysaska Raashinka maanta la siiyay ayaa waxaa ay Kala daganayen Kaamamka Boqolka Buush iyo Kaamka Safarow halkaasi oo ay diyaar ku ahaayen Qoysaska La siinayay Raashinka
Waxaana sidoo Kale Qoysaska la siiyay Digir iyo saliid ay u baahnaayen,halkaasi waxaa hadal ka jeediyay Gudomiyaha Waxbarashada gobolka Bari oo ku Tilmaamay dadka Maanta Deeqda La Siiyay In ay ahaayen Kuwo Si Aad ah Ugu Baahna.
Sidoo kale Kaamka Safarow2 ayaa waxaa la Gaadhsiiyay Raashinkan Qoysas Gaaraya 10 Qoys oo Ka mid ah Kuwa Ugu Liita ee dagan Kaamkan
Ugu Danbeytiina maaha Markii Ugu Horeysay Oo Deeq La Gaadhsiyo Kaamamka Dadka Barkacayaasha Boosaso waxaana horay u jiray Deeqo Wasaarada waxbarashada Gaadhsiiso dadka Qaxootiga ah.
Raxanreeb
