|

Khasaaraha Dagaalkii Dheg-Tuur oo Sii Badanaya

Mudug(MMedia) Waxaa sii kordhay qasaaraha ka dhashay dagaal deegaanka Dheg-tuur ee gobolka Mudug ku dhexmaray labo maleeshiyo beeleed ioo ka soo kala jeeda deegaanada Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb.  

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya deegaanka Dheg-tuur waxaa wali halkaasi ka socda dagaalo u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo walaalo ah kuwaasi oo dagaalkoodu la sheegay in uu qaatay mudo saacado ah. 

Wariyaha Shabelle ee gobolka Mudug Liibaan Cajiib Xaaji ayaa ku soo waramaya in dagaalka labada dhinac ay isku adeegsadeen hub cul culus, islamarkaana uu ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. 

Dagaalka oo bilowday saakay aroortii hore ayaa inta la ogyahay waxaa ku dhintay 20 ruux oo u badan dhinacyadii dagaalamay, iyadoo in ka badan 18 kalana ay ku dhaawacmeen, waxaana maleeshiyaadka dagaalamay ay sidoo kale iska gubeen gaadiid ka qeyb qaadanayay dagaalka. 

Dadka ku dhaawacmay dagaalka ayaa waxa la kala geeyay magaalooyinka Cadaado iyo Gaalkacyo oo ay ka soo kala jeedaan dhinacyada ku dagaalamaya deegaanka Dheg-tuur ee gobolka Mudug. 

Maleeshiyaadka dagaalamaya ayaa isku heysta dhul daaqsin iyo ceelbiyood kuyaala deegaankaasi, waxaana jiray gudi dhex dhexaadin ah oo dhexgalay labadaasi maleeshiyo beelood inkastoo markii dambe la sheegay in ay ku guuldareysteen dhex dhexaadinta beelahaasi. 

Dagaaladii ugu dambeeyay ee dhexmaray labada maleeshiyo beeleed ayaa waxaa inta la ogyahay ku dhintay in ka badan 30 qof iyadoo ku dhawaad 40 kalana ay ku dhaawacmeen, waxaana dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay u badanyihiin dhinacyadii dagaalamay.

Maakhir Media Xafiiska Garoowe

Comments are closed