Madaxweyne Siilaanyo oo Magacaabay Guddoomiyaha Cusub Maxkamada Sare Iyo Badhasaab Gobolka Awdal
Hargaysa(MMedia) Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta laba digreeto oo uu soo saaray wuxuu ku magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Maxkamada Sare oo uu u magacaabay Yuusuf Ismaaciil Cali. Waxa kale oo uu magacaabay badhasaab cusub u magacaabay Gobolka Awdal.
Sidaasi waxa lagu sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka Madaxtooyada Md Cabdilaahi Maxamed Daahir kaasi oo uu ku magacaabay Guddoomiyaha Maxkamada sare. Waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan;-
“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Digreeto Madaxweyne ku magacaabay gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka.
Waxaanu madaxweynuhu ku yidhi Digreetadiisa:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu Arkay: Qodobka 97aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu Arkay: Qodobka 101aad iyo 105aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu Tixgeliyey: Talada iyo soo jeedinta Guddida Cadaaladda,
Markuu Aqoonsaday: Baahida wayn ee loo qabo buuxinta hawsha jagadan Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka,
Markuu ku Qancay: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,
Markuu Isku Qanciyey: In uu hanan karo xilka Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka.
Wuxuu Go’aansaday
In Mudane, Yuusuf Ismaaciil Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.”
Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu isla maanta Badhasaab cusub u magacaabay Gobolka Awdal, waxaana magacaabistaasi u dhignayd sidan:-
“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Digreeto Madaxweyne ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Awdal.
Madaxweynuhu waxa uu Digteeadaa Magacaabista ah ku yidhi sidan:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu Arkay: Baahida loo qabo in badhasaab loo magacaabo Gobolka
Awdal,
Markuu Aqoonsaday: Muhiimadda wayn ee loo qabo buuxinta hawsha jagadan Guddoomiyhaha Gobolka Awdal,
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,
Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay.
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Xasan Daahir Xaddi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda Somaliland.”
Maakhir Media Xafiiska Hargaysa
