|

Golaha Baarlamaanka P/land Ayaa Ansaxiyay Wasiiro

Garoowe(MMedia) Fadhiga  Maanta ee Golaha Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa  Saaka Hor yimi Sadex Wasiir & Sadex w/kuxigeen oo kala ah,

Xubnahan ayaa  ahaa kuwo Magacaabistoodu ka Danbaysay Golaha Wasiirada Puntland ee uu Magacabay Madaxweynahe C/raxman Maxaed Faroole Wasiiradda la ansixiyey  Maanta ayaa kala ahaa ,

  1. Axmed Cali Askar               Wasiirka Warfaafinta ,Isgaarsiinta ,Hidaha & Dhaqanka
  2. C/wali Xirsi Cabdulle        Wasiirka Shaqada ,Shaqalaha ,dhalinyarada & Ciyaaraha
  3. Eng Maxamuud Xaaji Saalax  Wasiirka Beeraha iyo Wraabka
  4. Farax Siciid Cilmi                       Wasiir kuxigeenka Wasaradda Duulista Hawada & Garoomada
  5. Maxamuud Maxamed Idiris      Wasiir kuxigeenka wasaaradda Wxbarashada
  6. Farax Cali Cabdi                          Wasiir kuxigeenka wasaarada Howlaha Guud & Gadiidka

Wasiiradda iyo Wasiira kuxigeenadan ayaa Golaha Hortooda Qof Qof uga Jeediyey Taariikh Nololeedkooda & Howlihii ay ka soo Shaqeeyeen intaan loo Igman Xilka ay u Hayaan Bulshada Puntland,

Golaha ayaa si Wada Jira ugu Gacantagay Xubnaha Wasiirada Dhagaysi Taariikhdooda ah ka Gadaal,

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland C/rashiid Maxamed Xirsi ayaa ku Dhawaqay Ansixinta iyadoo ay  Hoolka Fadhiyeen 46 Xildhibaan  ,Xildhibaanada ayaa Codka ku siiyey Xubnahan Cod Aqlabiyad ah.

Maakhir Media Xafiiska Garoowe

Comments are closed