Warar Ka Soo Baxay Dagaalkii Xalay Muqisho Ka dhacay
Muqdisho(MMedia Dagaal saacado qaatay ayaa xalay ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa Amisom oo garab ah iyo kuwa Al Shabaab ku dhaxmaray aagaga degamada Hodan iyo agagaarka wasaaradii Gaashaandhiga ee magaalada Muqdisho.
Xalay Saqdii dhaxe ayaa dagaalku dhacay, waxa uuna ka dambeeyey ka dib markii weerar ciidamada Al Shabaab ay ku qaadeen fariisimaha ciidamada Dowladda ee ku dherarsan Afrikaan Village ilaa Wasaaradii Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho.
Lama soo sheegin qasaaraha dagaalka xalay ka dhashay oo ahaa mid rasaas xoog leh iyo madaafiic labada dhinac ay isu isticmaaleen hasayeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in qasaaro dhimasho ah dagaalka uu ka gaaray dhinacyada dagaalka.
Xaalada goobaha dagaalada ay ka dhaceen ayaa saaka xasiloon inkastoo ay socdaan dhaqdhaqaaqyo labada dhinac ah, waxa uuna dagaalkaan imanaaya xili magaalada Muqdisho ay xasilooni ku jirtay in ka badan Afar todobaad.
Maakhir Media Muqdisho
