Gudoomiyihii Ururka Haweenka NOW ee Laascaanood oo Koox Dabley ahi Caawa Toogteen.
Burco(MMedia) Guddoomiyihii ururka haweenka Somaliland ee NOW, Marwo Nadiifo Maxamed Colujoog
,ayaa caawa fiidkii kooxo dabley ah oo aan haybtooda la aqoosan ay toogasho ku dhaawaceen,ka dib markii ay ku fureen taaxshiirado rasaasa.
Sida warar ku sheegayaan Gudoomiyahan haweenka ayaa rasaastu kaga dhacday dhinaca madaxa,islamarkaana dhaawac culus ka soo gaadhay,waxaana Marwo Nadiifo loola soo cararay dhinaca cisbitaalka guud ee magaalada Burco si loogu badbaadiyo dhaawaceeda.
Ma jirto cid ilaa hada loo qabtay falkan, balse Ciidamada booliska ayaa gaafwareegaya jidadka magaalada Laascaanood, kuwaasoo baadigoobaya cidii gaysatay falkan ama looga shakisan yahay inay lug ku leeyihiin.
Marwo Nadiifo ayaa ka mid ahayd haweenka ka qaybgalay shirkii nabadeynta ee ka dhacay magaalada Widhwidh todobaadkii hore ,iyadoo ay weheliyaan kooxo haweena oo ku libisan calanka Somaliland.
Ma aha markii u horeysay ee fal noocan oo kale ahi uu ka dhaca magaaladaasi
Maakhir Media Xafiiska Burco
