|

Garoowe oo laga xusay munaasabada 1-da Luulyo iyo madaxwaynaha Puntland oo ka hadlay

Garoowe(MMedia) Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa habeenimadii xalay lagu qabtay munaasabadii ugu balaarnayd ee ka dhacda Puntland islamarkaana lagu xusayo 1-da Luulyo.
Munaasabada oo ka dhacday madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiinta ugu sareysa dowladda Puntland sida madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Faroole,gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi,Golaha wasiirada Puntland iyo dadwayne isugu jirta isimo,aqoonyahan iyo marti sharaf badan.

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo ka hadlay munaasbadii xalay ayaa ka hadlay arimo badan oo ku saabsan xaaladda Soomaliya oo ay ka mid tahay Puntland.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in munaasabadda 1-da Luulyo ay tahay maalin ku fadhida qiimo wayn,waxaana uu sheegay madaxwaynaha in halgan dheer in loo soo maray sidii Soomaaliya ay u qaadan lahayd madaxbanaanideeda kadib markii muddo dheer ay soo maamulayeen gumaystayaashii Talyaaniga iyo Ingiriiska.

Madaxwayne Cabdiraxmaan Maxamed Faroole waxaa uu uu hoosta ka xariiqay in Soomaaliya aysan kala tagi karin maadaama uu sheegay ay yihiin kuwa wadaaga diin,af,dhaqan iyo ehel,waxaana uu sheegay inaan loo baahnayn in dhalinyarada looga sheekeeyo waxyaaba aan jirin oo uu ula jeeday gooni isku taaga Somaliland

Gudoomiyaha baarlamaanka ee Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo ka hadlay munaasabadda ayaa dhankiisa ku dheeraaday xaaladda ka jirta dalka Soomaaliya,waxaana uu sheegay dhibaatada uu marayo dalka inay horkacayaan dhalinyaro,waxaana uu ugu baaqay inay ka shaqeeyaan dalka sidii loo hagaajin lahaa.

Waxaana uu gudoomiyaha uu dhankiisa ka sheekeeyey munaasbadda qiimaha badan ee 1-da Luulyo oo uu sheegay inay tahay maalin aad ugu wayn shacabka Soomaaliyeed.

Munaasabadda ayaa waxaa ka hadlay isimo magac ku leh umadda reer Puntland oo uu ka mid yahay Suldaan Siciid Maxamed Garaase waxaa uu suldaanka uu tilmaamay in loo baahanyahay shacabka oo isku duuban inay maanta ka samata baxaan marxaladda adag ee uu ku jira dalka.

Marti sharaftii ka qaybgashay xuska 51-sano guuradii kasoo wareegatay madaxbanaanidii gobolada koonfureed iyo midowgii shacabwaynaha Soomaaliyeed ayaa waxaa ay soo bandhigeen gabayo iyo buraan buro aad u qiimo badan.

Munaasabadda oo socotay muddo saacado ah ayaa saacadda Geeska Afrika markii lasoo gaaray 12:00 Am saqdii dhexe waxaa la saaray calanka Soomaaliya.

Munaasbada 1-da Luulyo ee xalay ayaa waxaa sidoo kale laga xusay magaalooyin badan oo ka mid ah Puntland sida Buuhoodle,Gaalkacyo iyo qaybo ka mid ah gobolka Sanaag.

Horseednet

Comments are closed