|

Gudoomiyaha degmada laasqoray dawlad puntland yusuf jama dibad oo u hambalyaynaya magcabis ta ra`iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya mudane C/wali maxamed Cali (Gaas).

Laasqoray(MMedia) Ka dib markii la magacaabay raysal wasaaree cusub ayaa waxa muddooyinkan danbe socotay taageeero xoogan oo uga imanaysay bulshooyinka soomaalioyeed  ee dalka iyo debediisaba hadaba waxa hanabalayo taas la mid u diray raysal wasaraha cusub mudane :cabdi weli maxmed cali gudoomiyaha degmada laasqoray ee gobolka sanaag mudane : x.yusuf jaamac dibad oo ka tirsan puntland

Waxana isga oo arimahaas ka hadlaya uu yidhi:

( Mudane R\W waxankugu hambalyaynaa xilka laguu dhibay ilahayna waxanu kaaga baryaynaa inuu ku fududeeyo si aad u noqotid raiisal wasarihii ugu horeyey oo Somali nabadeeya Aamin Aamin Aamin .

Mudane : R\W anigoo dhex jooga bulsha waynta degmada laasqoray oo una qaybsan isimo , guurti, aqooonyahano , culimo awdiinka , ururada dhalinyara , ururda haweenka , iyo dhaman shacabka laas qoray  waxay si hagar la aan ah iigu wakiisheen inaan ku soo hambalyeeyo iyagoo si niyad ah kuugu kalsoon hiil iyo hoona kuula harab tagan in kastoo oo ay kula joogan siyaasiyin iyo mutacalimiin rug cada ah oo bulshada sanag ku kalsoontahay aanuna filayno inay meteli karan  bulshada  isla markana ay garabkaga joogan sida : siciid jamac cali (qoorsheel ) oo ah nin dal iyo debedba ka ceeb la ).

Arrintan ayaa ku soo beegantay iyadoo dadka ku dhaqan gobolka sanag ay soo dhoweeyeen raysalwasaaraha cusub isla markaana ay ugu hanabalayayeen doorashadiisa .

Gobolka sanaag waxa uu ka mid ayahay gobolada nobdoon ee soomaaliya islamarkaana aanay ka jirin horumarin dhamaystiran oo dhinaca wadooyinka ,caafimaadka taas oo ay bulshadu si wayn ugu baahanatahay in waxlagala qabto in ay ka filayaan maamulka cusub in uu waxkala qabto arrimahaas.

Yaasiin Cali Ciise

Maakhir Media Xafiiska Badhan

Comments are closed