|

Ciidamada DFKMS oo Mushaharooyin Loo Qaybinayo+Sawiro

Muqdisho(MMedia) Ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa la siiyay mushaaraadka bilaha June iyo May, xilli shalay Baarlamaanka Soomaaliya uu ansixiyay Ra’iisul Wasaaraha cusub Dr. C/wali Maxamed Cali oo 23-kii bishan uu magacaabay Madaxweyne Shariif.

Mushaar qeybinta Ciidamada ayaa ah mid bil walba Ciidamada la siiyo, tan iyo bishii December ee sanadkii hore oo Xukuumadii Farmaajo ay bilowday inay mushaaraad siiso Ciidamada, waxaana mushaarkan maanta loo bilaabay Ciidamada ay dhameyd $200 (Labo Boqol Doolarka Mareykanka Askarigiiba)


Xeryaha Ciidamada Dowladda ayaa waxaa maanta ka socotay howlaha mushaar qeybtinta Ciidamada, iyadoo Askarta oo safar dhaa dheer ku jiray la gudoonsiinayay mushaarkaas, waxaana askari walba uu mushaarka ku qaadanayay qaab sharciyeysan, gaar ahaan askari walba oo aqoonsigiisa watay, isla markaana waraaqaha mushaar bixinta saarayay suulka, kaasoo ah nidaam cusub oo mushaarka Ciidamada lagu bixinayay.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa sheegay inay sii wadi doonaan mushaar qeybinta Ciidamada, si moraalka Ciidamada uu sare u noqdo, isla markaana ay u sii wadaan la dagaalanka Xarakada Al-Shabaab.

Ahmiyada koowaad ee Xukuumada ayaa ah dhismaha Ciidamada qalabka sida iyo sidii ay u heli lahaayeen daryeel joogta ah, iyadoo tallaabadan ay noqoneyso mid yididiilo leh oo Xukuumada cusub ee la soo dhisayo ay ku ambaqaadeyso dhabihii ay martay Xukuumadii ka horeysay.

Mushaarkii u dambeeyay ee la siiyo Ciidamada ayaa aheyd dhamaadkii bishii April, iyadoo mushaar qeybintan ay tahay mid wax badan ka duwan sidii hore, maadaama qaababka ay hada wax ku qaadanayaan ay yihiin System cusub oo loo marayo ka hor inta aan askariga loo gacan gelin lacagta oo la marsiinayo xaqiijin iyo inuu reebo faro lagu rigister-gareeyo warqad cadeyn ah, taasoo muujinaysa in la siiyay.

Maakhir Media Muqdisho

Comments are closed