Raysalwasaaraha Soomaaliya oo La Wareegay Deeq Laga soo dhiibay Emaraatka
Muqdisho(MMedia) R/wasaaraha Soomaaliya Dr. C/weli Maxamed Cali ayaa maanta la wareegay macaawano ay soo dhiibtay dowladda isutagga Imaaraadka Carabta.
R/wasaaraha oo markii ugu horeysay booqday Dekedda magaalada Muqdisho tan iyo markii loo magacaabi xilka R/wasaarenimo ayaa maanta la wareegay gargaar ay soo dhiibtay Dowlada Imaaraadka Caraabka, taas oo ka koobneyd raashin, dhar iyo Sadex Booyadood, oo loogu talaga dadka Soomaaliyeed ee tabaaleeysan.
R/wasaaraha oo halkaasi ka hadlay ayaa u mahadceliyay Dowladda Imaaraadka Carabta oo uu sheegay in ay xiriir wanaagsan iyo mid ganaacsi la leedahay dalkeenna Soomaaliya, isagoo ballan qaaday in Dowladdu ay sida loogu talagal u gaarsiin doonto deeqdan Shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateeysan.
Waa markii ugu horeeysay ee R/wasaaraha Soomaamaaliya uu booqdo Dekedda Muqdisho tan iyo markii uu magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya isla markaana Baarlamaanku uu ansixiyay maalintii shalay.
Maakhir Media Xafiiska Muqdisho
