|

Madaxweynaha Jabuuti oo Baaq Ujeediyay Shacabka Soomaaliyeed

Djabouti(MMedia) Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa khudbad ku aadanayd sannaguuradii 34-aad ee ay Faransiiska xorriyadooda ka qaateen oo maanta ku beegnayd kaga hadlay arrimaha dalka Soomaaliya, isagoo ugu baaqay hoggaamiyeyaasha iyo shacabka Soomaaliyeed inay nabadda ka shaqeeyaan.

Geelle wuxuu si gaar ah ugu baaqay madaxda Soomaalida inay ka tanaasulaan is-qabqabsiga siyaasadeed, isagoo sheegay inay ka fikiraan sidii ay dalkooda nabad ugu soo dabbaali lahaayeen ayna ugu shaqeyn lahaayeen rabitaanka shacabkooda.

“Walaalaheenna Soomaaliyeed waxaan u rajeynaynaa inay nabaddu u soo laabato, waxaana ku boorrinaynaa inay u jeestaan nabadda, midnimada iyo horumarka is-famna uu dhaco,” ayuu yiri Geelle.

Madaxweynaha Jabuuti wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay haysato abaar ayna ugu biirtay nabadgalyo-darro, wuxuuna ku tilmaamay dhibaatooyinkaas isbiirsaday inay yihiin xasuuq shacabka ku dhacay.

“Shacabka Soomaaliyeed waa inay ogaadaan inaan ehelkooda nahay oo aan garab joogno – wixii aan u qaban karna aan u qabanayno oo aanay jirin wax aan ka hagranayno,” ayuu hadalka raaciyay. Isagoo gabagabadii guul iyo nabadgalyo u rajeeyay dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowladda ayaa ku sugan dalka Jabuuti, kuwaasoo ka qaybgalaya xuska maalinta xorriyada dalka Jabuuti oo ku beegan maanta oo ay taariikhdu tahay 27-ka Juun

Maakhir Media Xafiiska Hargaysa

Comments are closed