|

Cisbitaalka Dhahareed oo La Tacaalaya Dadkii uu Soo Ritay Shuban Biyoodku Caawino u Baahan

Dhahar(MMedia) Cisbitaalka Magaalada Dhahar ayaa laga soo dayrinayaa ka dib markii halkaas lageeyay Caruur  uu soo ritay cudurka Shuban biyoodka ah kuwaasoo lagu dabiibayo isla Cisbitaalka

Cudurakan shuban biyoodka ah ayaa ka dhashay roobabkii dhawaan ka da,ay dalka oo dhan kaasoo sababay inuu waxyeeleeyo Guryo iyo xoolo badan oo daadadku qaadeen waxaana sii dheeraa cuduro ka dilaacay kuwaasoo sababay Shuban biyoodka

Hadaba cisbitaalka Dhahareed ayaa la ciir ciiraya dad u badan caruur kuwasoo la ildaran Shuban biyood waxaana Isibtaalka gabaabsi ku ah Daawooyinka ka dib markii ay soo gaadheen dad ka xadi badani waxaanu baahan yahay in laga caawiyo dhinacyada daawada iyo shidaalka madaama inta badan Cisbitaalku shaqayanayo adeegyo kala duwana qabanayo

Cisbitaalka Dhahareed waa mid ku tiirsan deeqaha ay soo gaadhsiiyaan dadka deegaanku wax gacana kama helo Hayadaha Caalamiga ah iyo kuwa Maamuladaba waxaana inta badan gacan ka gaystaan dad iskood isu xilqaamay iyo Jaaliyadaha Debada

Cisbitaalak ayaa u baahan gacan deg dega maadama uu dabiibayo dad uu soo ritay Shuban biyoodku waxaana laga codsanayaa Jaaliyadaha debadu inay la soo gaadheen taakulayn dhaqaale mid iyo mid daawoba

Maakhir Media Xafiiska Dhahar

Comments are closed