Madaxweyne Faroole oo Magaacabay Gudida Doorashooyina P/land
Garoowe(MMedia) Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa maanta magacaabay gudiga doorashada ee dowladda Puntland oo qayb ka ah qorshaha laga sugayo xukuumadda ee ku wajahan hirgalinta nidaamka xisbiyada badan ee Puntland.
Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxwaynaha Puntland oo lanbarkeedu ahaa 59-ayaa waxaa lagu magacaabay gudiga doorashada Puntland kuwaasi oo kala ahaa.
1-Dr Maxamed Xasan Bare
2- Barkhad Cali Saalax
3- Cismaan Maxamed Xasan
4- Axmed Maxamed Axmed
5- Muxubo Muuse Ciise
Xeerka gudiga doorashada Puntland oo ay horay u ansixiyeen Golaha wasiirada iyo golaha wakiilada Puntland ayaa qeexaya in gudiga doorashada Puntland inay noqdaan sagaal xubnood oo afar ka mid ah ay soo gudbinayaan golaha baarlamaanka ee Puntland,halka shan xubnood uu dhigayo inuu magacaawo madaxwaynaha Puntland islamarkaana la horgeeyo golaha baarlamaanka si’ay u ansixiyaan.
Arintan ayaa ah markii ugu horeysay ee Puntland ay yeelato gudiga doorashada Puntland oo noqonaya kuwa loo xilsaarayo hirgalinta nidaamka xisbiyada badan ee Puntland,si looga gudbo nidaamka beelaha oo lagu soo dhisay xukuumadihii soo maray Puntland.
Maakhir Media Xafiiska Boosaaso
