Yaa Dilay Xogahayihii Arimaha Gudaha ee Jabhada ONLF Cabdi Cabdullaahi
Niarobi(MMedia) Hogaankii arrimaha gudaha jabhada ONLF ayaa dhawaan lagu aasay magaalada Nairobi kadib markii meydkiisa laga heley jidka dhiniciisa isaga oo ay ku yaalaan dhowr xabadood, baaritaan aan samaynay ayaa waxaa soo baxaya su’aalo ka badan jawaabaha la hayo.
Horey waxaan u tabiney in xubno jabhadda ONLF ka tirsan ay sheegeen in Cabdi Cabdullaahi uu balan la lahaa mas’uul dowladda ka tirsan, markii ay kala tageen kadibna la diley Cabdi, balse arrintaasi wax badan ayaa iska soo taraya.
Baaritaan ay samaysay KismaayoNews waxaa soo baxday in aysan ahayn markii ugu horeysey oo ay kulmaan labada nin, islamarkaasina ay u socdeen wadahadalo hormar culus laga gaaray oo meel fiican oo gabogabo ah marayay, waxaa kaloo soo baxday in qofka loo tagay uusan ahayn mas’uulka dowladda ka tirsan, ee kullanka habeenkaasi uu ka dhacay guriga uu deganaa Cabdi Cabdilaahi.
Si ka duwan sidii markii hore suuqa ku faaftay, kulanka ma ahayn labada nin kaliya ee ugu yaraan 3 qof oo kale oo jabhada ka tirsan ayaa wehliyey, wuxuuna ahaa qorshe dad badan ogyihiin.
Waxaa la fahamsanyahay in kulamada iyo wadahadalada u socdey Cabdi Cabdullaahi iyo mas’uulka dowladda Soomaaliya ka tirsan aysan ahayn kuwa ay raali ka yihiin hogaanka sare ee Jabhadda.
Illo lagu kalsoonyahay oo aan la xiriirney waxa ay si xoog ah u aaminsanyihiin in bartilmaameedka uusan ahayn Cabdi Cabdillaahi oo kaliya balse uu ahaa mas’uulka dowladda iyo xubnihii kale ee Jabhadda ee wadahadalada wax ka ogaa, balse ilmiriqsiyo uun ay ku gafeen shirqoolkii lagu dili lahaa.
Si rasmi ah looma oga waxa rasmiga ah ee ay ka wadahadlayeen labada nin, laakiin waxaa la fahamsanyahay in ay jiraan dadaalo Nairobi ka socda oo ay dad badan oo caan ah isku dayayaan in ay isugu soo dhaweeyaan jabhadda iyo dowladda Ethiopia, waxaa kaloo la fahamsanyahay in ay jiraan ciidamo horey jabhadda uga tirsanaan jirey kuwaasoo ku jira xeryo ciidamo lagu tabobarayo oo Dhoobleey, Ceelwaaq iyo Kulbiyoow ku jira kuwaasoo uu muran ka taagnaa arrintooda.
Cabdi Cabdullaahi sidoo kale waxa uu ahaa hogaanka guud ee ciidamada Jabhada ONLF, in uu galay wadahadalo aysan ogoleyn hogaanka guud ee jabhadana waxa ay samaynaysaa micno weyn oo halis ku noqon kara jabhadda. Mid ka mid ah dadkii aan la hadalnay waxa uu yiri “Cabdi Cabdullaahi waxa uu maray meeshii Dr. Doolaal la mariyey”, markii aan sii weydiineynayna waxa uu ku gaabsaday “runta waa ay soo bixi doontaa ma doonayo in aan ka hordhoco, kamana jawaabayo intaasi ka badan”.
Qof kale oo aan isagana la hadalnay ayaa yiri “Qofka dilka geysta ayaa ugu horeeya kan dadka farta ugu fiiqa meel aysan waxbo ka jirin oo dilka u saariya cid kale”
War saxafadeed ay soo saartay Jabhadda ONLF ayay ku cambaareysey dilka Cabdi Cabdullaahi oo ay ku eedeysey sirdoonka Ethiopia “Dilkan fuleynimada ah ee shaqsi aan hubeyneyn loogu geystey waddan xor ah oo nabdoon oon ahayn goob dagaal, waxay muujineysaa sida aanay Itobiya u tixgalineynin xeerarka caalamiga ah iyo qaranimada dalalka dariska ah” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed oo sidoo kale tacsi loogu direy dadweynaha Ogaden. Xilka kaliya ee war saxaafadeedka lagu xusey waxa uu ahaa in Cabdi Cabdullaahi uu yahay xubin golaha dhexe ah.
Si kastaba ha ahaatee, wali waxaa socda baaritaan lagu wado dilka mas;uulkani, balse dad badan rajo badan kama qabaan in ay wax quman kasoo baxaan baaritaanka maadaamaa dilal foolxun oo ka horeeyey aysan waxbo kasoo bixin.
KismaayoNews.com
