|

Dagaal Xalay Lagu Qaaday Magaalada WidhWidh oo Shir Shalay Lagu Soo Gabagabeeyey

WidhWidh(Mmedia) Iska horimaad qasaare geystay ayaa deegaanka Widh-widh ee gobolka Sool waxa uu ku dhexmaray ciidamada Somaliland, iyo maleeshiyaad ka soo jeeda deegaanka tirsan Cayn 

Ciidamada maamulka Somaliland ee gobolka Sool iyo maleeshiyo beeleed ka soo jeeda deegaanada Cayn ayaa xalay iska horimaad waxa uu ku dhexmaray deegaanka Widh-widh ee gobolka Sool, waxaana la sheegay in iska horimaadka uu yimid kadib markii maleeshiyada ay weerar gaadmo ah ku qaadeen fariisim deegaankaasi ay ku leeyihiin ciidamada Somaliland. 

Inta la ogyahay hal ruux ayaa ku geeriyooday sedax kalana waa ay ku dhaawacmeen iska horimaadka deegaanka Widh-widh ku dhexmaray maleeshiyaad hubaysan ee ka soo jeeda deegaanka iyo ciidamada Somaliland ee gobolkaasi. 

Maleeshiyaadka hubaysan ayaa la sheegay in ay ka biyo diidanyihiin kulan nabadeed maalintii shalay ku soo idlaaday deegaankaasi, waxaana taasi ay keentay in kooxahaasi hubeysan ay weerarka soo qaadaan sida MMedia ay u sheegeen dad goobjoogayaal ah. 

Xaalada ayaa saakay waxa ay tahay mid degan iyadoo lagu soo waramayo in odayaal iyo waxgarad ay dhexgaleen ciidamada Somaliland iyo maleeshiyaadkii hubeysnaa ee dagaalamay

Maakhir Media Xafiiska Boosaaso

Comments are closed