|

Madaxweyne Siilaanyo Muxuu Xalay Ka Yiri Xuskii 26Juun+Sawiro

Hargaysa(MMedia) Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sheegay in xoriyadii shacbiga Somaliland ka luntay lixdankii ay waayo aragnimo ugu filan tahay oo ay xiligan ilaashanayaan qaranimadooda.

Madaxweynuhu wuxuu sidaasi ka sheegay caawa khubad uu ka jeediyay xaflad balaadhan oo xarunta madaxtooyada loogu sameeyay dabaal dega munaasibada 51 guurada ka soo wareegtay markii Somaliland ay xornimadoodii ka qaateen Boqortooyada Ingiriiska 26-kii bishii June ee 1960-kii.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo ) oo ka hadlay taariikhda maalintani wuxuu yidhi “Walaalayaal dadweynaha ka soo qeyb galay xafladan iyo intaan ka soo qeyb galin ee dibada joogtaba waan salaamayaa waxaan idinku soo dhawaynayaa idinkuna hambalyeynayaa munaasibadan 26-ka June oo ah maalin taariikhi ah oo maalin weyn u ah Somaliland. Waa maalintii calan soomaaliyeed oo xor ah la taago waa 26-kii bishii June 1960-kii, wakhtigaasi aynu xornimada ka qaadanay maxmiyadii Ingiriiska oo sideetan sanadood ka badan ina xukumaysay waxay Somaliland xiligaa in badan u halgamaysay inay xoriyadeeda qaato oo ay saamaysay dabayshii xornimo doonka ee Afrika oo dhan ka bilaabantay inagoo xarakadaasi ka mid ahayn ayaynu xoriyadeenii qaadanay.”

Madaxweynaha Somaliland oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Wakhtigaa isaga ah ee aynu xoriyadeena qaadanay waxaynu ku naaloonaynay oo aynu doonaynay in dadka afsoomaaliga ku hadla oo dhami ay noqdaan wadan qudha oo aynu isu keeno.sidaasi ayay ahayd himiladeenu iyadoo xamaasadaasi ina haysay ayaynu 26-kii June xornimada ka qaadanay Ingiriiska markii ILAAHAY ha u naxariistii Maxamed Ibraahim Cigaal iyo weftigii la socday ay tageen dalka Ingiriiska waxa lagula taliyay horta xoriyadiina oo taam ah qaata,waxaynu nidhi waxaanu ku biiraynaa afar cisho ka bacdi iyaga oo ka jawaabayay dareenkii shacbiga Somaliland inaanu la midowno dalkii Soomaaliya oo xornimadoodu ku beegnayd 1-dii July ee 1960-kii. Wakhtigaasi isaga ah sidaasi ayaynu ku raacnay oo aynu Madax banaanideenii ku dhiibnay oo aynu ka mid noqonay dalkii Soomaaliya la odhan jiray.”

Md. Axmed Siilaanyo oo ka hadlayay sidii Somaliland ugu hungowday midowgii ay la gashay Soomaaliya waxa uu yidhi “Israacaasi ayaan darro maynaan mahadin wax dhacayba dhibaatooyin faro badan ayaa yimid waxa ka dambaysay in israacii shaqayn waayay oo dadka reer Somaliland ay dulmi tirsadeen illaa dhalinyaro badan oo ciidamada ka tirsanaa ay inqilaab isku dayeen oo ay dooneen inay xornimadoodii la soo noqdaan. Markii ay arkeen in midnimadii mid loo siman yahay aanay ahayn. Intii dambena waxay inagu qaadatay muddo dheer oo halgankii SNM ah inaynu xoriyadeenii dib ula soo noqono 18-kii May ee 1991-kii.”

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in taariikhdaasi hore ay Somaliland barayso inay ilaashato xornimadeeda.

“Maalintani waxay ina baraysaa in imika wixii ka dambeeya in kasta ha inagu qaadatee xoriyadeena ilaashano oo imika wixii ka dambeeya caalamku inuu ina ictiraafo waxay ku xidhan tahay waxaynu inagu qabsano, caalamku maanta wuu inoo soo jeedaa wax badan ayuu inala qabtaa, wuu inala shaqeeyaa dad badan ayaa u diyaara inay wax inala qabtaan.laakiin cida xilka iyo masuuliyaddu saaran tahay waa inaga haddii aynu dadweynaha Somaliland nahay. waxaan leeyahay aynu isku xidhnaano oo aan midowno oo nabadeena ilaashano,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay inuu rajaynayo in Somaliland kama dambaysta uu noqon doono dal madax banana oo horumaray.

Waxa xafladaasi lagu soo bandhigay riwaayad la magac baxday taariikhdu waa mahadho oo uu curiyay abwaan Maxamed Cismaan (Maxamed Dheere) taas oo ka hadlaysay sooyaalka 26 June

 Maakhir Media Xafiiska Hargaysa

Comments are closed