Shirkii Nabada ee Widhwidh oo Go,aamo Laga soo Saaray Iyo Isimo Kasoo Horjeestay
Widhwidh(MMedia) Shirweynihii Nabadaynta ee ka socday magaaladda Widh Widh , ka tirsan Degaanka Buhoodle ayaa maanta si rasmi
ah loo soo gabagabeeyey, isla markaana laga soo saaray Go’aamo ka kooban 8 qodob, kuwaaso u dhignaa sidan.
1-Shirweynaha Nabadda waxa la isla gartay Nabad iyo midnimo waarta oo dhex marta Dhulbahante iyo dawlada Somaliland.
2- Shirka Nabadda ee Guuleed waxa la isla qaatay awood qaybsi siyaasadeed iyo wada tashi buuxa, waxaana lagu soo qabyo tirayaa wareega dambe ee wada hadalada shirka.
3- Shirka Nabada ee Guuleed waxa la isla qaatay in wixii ku saabsan arrimo ciidan in looga wada hadlo si hoose gaar ahaan Madaxweynaha Somaliland iyo Guddida gaarka ah ee shirka Widh-widh.
4- Shirka nabadda waxa la isla gartay in la sii daayo maxaabiista dagaal ee Dhulbahante isla markaana maxaabiista kale ee loo haysto dambiyada gaarka ah la horkeeno Garsoor lagu wada kalsoon yahay sida ugu dhakhsaha badan.
5- Shirka waxa la isla qaatay in la joojiyo dhul qodista iyo Degaan durugsiga aan la isla ogolayn.
6- Shirku wuxuu ku baaqayaa in la xaliyo shaqaaqadii iyo dhibaatadii ka dhacday Kalshaalle.
7- Shirka Nabadda ee Widh-widh waxa la isla qaatay in ahmiyad weyn la siiyo Horumarinta deegaamada Dhulbahante oo dib u dhac badani ka muuqdo si loo gaadhsiiyo gobolada kale ee dalka, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, caafimaadka,biyaha iyo wixii la mid ah.
8- Shirka Nabada waxa la isla qaatay in si kama dambays ah loo qaato gogol nabadeed oo ay ka soo qeyb galaan Ururka SSC iyo dhulbahante inta shirka ka maqani
Go’aamadan waxa ku saxexnaa Cabdi Aw Daahir, Xildh Maxamuud Axmed Barre iyo Xildh Maxamed Faarax Qabile, waxay u saxeexeen dhinaca Xukuumada, dhinaca Kooxda SSC waxa uu saxeexay Gudoomiyaha Golaha Khusuusiga Cabdi Risaaq Xasan Ismaacil, Madaxa gogosha Nabadaynta Kayse Cabdi Yuusuf
Dhinaca kale Caaqil Cali Xaaji Cumar oo ka mida cuqaasha Buuhoodle ayaa Saxaafada u sheegay inaanu khusayn wixii shirkaas ka soo baxay una arkayaan inay Widhwidh ku shireen Somaliland iyo kuwa aan matelin deegaanka Gobolka Cayn waxaanu ugu baaqy Somaliland inay joojiso daandaansiga iyo inay shirar aan loo dhamayn la gasho koox aan cidna metelin
Maakhir Media Xafiiska Burco
