Madaxweyne Galmudug oo kala diray Golahiisa Wasiirada.
Gaalkacyo(MMedia) Madaxweynaha Maamulka la magacbaxay Galmudug State ayaa kala diray Golahiisa Wasiirada ka dib wareegtay xalay uu ka soo saaray xafiiskiisa ku yaala magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Wareegtada uu ku kala diray madaxwene Caalim Golahiisa Wasiirada ayaa lagu sheegay in Golaha wasiirada ay ka kaabiyeen howlahii loo dhisay, waxaana wareegtada lagu qoray in ay ku fashilmeen amaanka iyo dhaqalaha.
Sidoo kale Madaxweynaha caalim ayaa wareegtadiisa ku sheegay in uu jiray isqabqabsi u dhaxeeyey Golaha wasiirada isagoona tilmaamay in maalmaha soo aadan uu soo dhiso doono gole Wasiiro oo ka tayo badan kuwa la kala diray.
Dhanka kale Wareegto kale oo la socotay mid lagu kala diray Golaha Wasiirada ayaa waxaa iyana lagu sheegay in xilkii laga qaaday gudoomiyayaashii Gobolka Mudug iyo kii magalada Gaalkacyo kuwaasi oo iyana lagu eedeeyey in ay amaanka wax ka qaban waayeen
Maakhir Media Xafiiska Boosaaso
